Qarax Lala Beegsaday Hotel Maka Al Mukarama Ee Magaaladda Muqdisho

0
44

Dablaydii Weerartay Maka Al Mukarama oo weli Haysata Hotelka.

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo badhtamaha magaalada Muqdisho, Waxana warar hor dhac ahi ay sheegayaan in goobta qaraxyadani ka dhacayaan ay tahay hotelka Maka Al Mukarama oo ku yaalla jidka mashquulka badan ee Maka Al Mukamara.

qarax muqdishoDablay la aaminsan yahay inay tahay ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday hotelka Maka Al Mukarama ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Mulkiilaha hotelkan Gurey Xaaji Xasan ayaa VOA u sheegay in hotelka ay xilligan haystaan dableydii weerarka soo qaadday isaga oo sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac balse aanu xaqiijin Karin.

Gurey Xaaji Xasan ayaa isagu sheegay in ciidamada dawladdu ay ku sugan yihiin bannaanka hotelka.

source:voa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here