Qasab Maaha Inaad Gudubtaa!

0
1

W/T: Xamse Cumar Kujoog

Maalmo ka hor markii ay ardaydu galayeen imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ayuu maamulihii dugsigu farriin u diray waalidkii ardayda, farriintaasi waxa ay u dhignayd sidan;

“Waan ogahay in aad ka werwersan tihiin ubadkiinna, waanan ogahay in aad doonaysaan in ay ubadkiinnu helaan darajooyin sare. Xaq ayaad u leedihiin, balse waxa aan jecelahay in aan idin xusuusiyo in ubadkiinna uu ka mid yahay;

Arday hibo u leh sawir samaynta oo aan wax badan uga baahnayn inuu fahmo Xisaabta,

Arday  “Injineer”- ah oo aan Taariikhda iyo Suugaantu macno sidaa u sii mug leh u samaynayn,

Arday kale oo qalin-maal noqon kara oo aan dan iyo muraad  wayn u lahayn  derajada uu ka keeni karo “Kimisratiga”,

Mid kale oo ciyaaryahan in uu noqdo maanka ku guntaday oo inuu jidhkiisa dhisaa ay uga muhimsan tahay inuu “Fiisigis”- xoog saaro.  Waalid yahaw haddii ilmahaagu uu keeno derajo sare waa wax wanaagsan, haddii’se uu keeni waayo derajo sare u sheeg in aad wali jeceshahay oo yay ka dhiman kalsoonidu ilmahaaga, hana ku xukumin fashil oo ha u qaadan in uu noloshiisa oo idil ku guuldarraysatay!

Ogow imtixaan keli ah ama derajo hoosaysaa in ay aanay mudnayn in loo lumiyo hibada iyo riyada ubadkeenna. Sidoo kale waxa habboon in lagu baraarugsanaado, “dhakhaatiirta iyo Injineerrada” oo kaliya in aanay ahayn kuwa adduunka ugu farxadda badan”!

Maamulahaasi waxa uu mudan yahay mahadcelin iyo in loo joogsado, weedhaha uu waalidka la wadaagayna waxa ay mudan yihiin in biyo dahab ah  lagu qoro. Weedhahaasi kama dhigna, mana aha macnahoodu in laga soo horjeedo sarraynta iyo ku guulaysiga waxbarashada. Waxa se isku baraarujin iyo ogaansho mudan marwalba in; “imtixaanaadku aanay ahayn waxa kaliya ee lagu qiyaasi karo heerka maskaxeed ee aadamaha, se uu yahay qaab tirooyin arday ah oo isku heer waxbarasho ah hadba loogu xaqsooro .”

Xaq ayay u leeyihiin waalidku in ay ku faanaan ubadkooda dedaala ee derajooyin sare keena, sida beerooluhu ugu indho doogsado beertiisa baxday, suugaan yahan kuna uu ula muraaqoodo ereyadiisa cuddoon, sawir qaaduhuna ula ashqaraaro sawirka uu qaado. Intaas mid kasta lagu farxayaa waa walxo!  Aynu isweydiinno; “Miyaanay ka farxad mudnayn qofka ku dedaalay aadame, midhihii dedaalkiisana arkay?

Allaylahe Haa!

Dhan kale waalidku xaq uma laha in ay ku miisaamaan ubadkooda marba derajada uu keeno, sidoo kalana xaq uma laha waalidku in ay ubadka u dooraan waddada ay guud haaan nolosha qaadayaan, iyaga oo u malaynaya in waxbarashada “ akaadamiga”-ahi ay tahay waddada keli ah ee lagu gaadhi karo horumar iyo badhaadhe!

Waxa ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee bulshadeenna haysta in ay aamminsan yihiin shahaadooyinka la qaato in ay yihiin waddada ugu degdegga badan ee loo maro in xoolo badan lagu helo, halka marka aad waaqica nololeed eegto arrinkaasi uu beenoobayo. Waxa laga yaabaa in wiil yar oo kubbadda  ciyaaraa ka lacag badan yahay kumannaan dhakhaatiir ah oo dunida meel kasta ku nool! Tusaalahaas macnihiisu waxa uu noqonayaa, in aan guusha qofka lagu qiimayn karin inta uu lacag soo sameeyo.

Ogow dadka noloshan aynu ku noolnahay wax ka beddelay badankoodu ma ay haysan shahaadooyin Jaamacadeed. Tusaale ahaan; Ibnu Siinaa ma uusan haysan shaahadada caafimaadka, haddii uu maanta noolaan lahaana waxa xaqiiqo ahaan lahayd in aan loo oggalaadeen xataa inuu Farmasi furto. Isaac Newton, oo Saynisyahan wayn ahaa muu haysan shaahadada Fiisigiska, Khaalid bin Waliid (Rabbi ha ka raalli noqdo’e) oo dagaal iyo xeeladdii looga hadhay, ogow kamuu qalin jabin kulliyadda ciidamada ee dawladaha waawayn.

Imaamu Shaafici ma uu haysan shaahadada Aqoonta Shareecada, Cumar bin Khadaab oo qaarad dhan ka talinayay, boqorradii Beershiya iyo Roomanna ka yaabiyay, ogow muu haysan shaahadada xeerarka caalamiga ah!

Ugu danbayn haddii aan tusaalaha soo dhaweeyo oo casrigan aynu noolnahay is dultaagno, maalqabeenka caanka ah ee (Bill Gates) waxa uu yidhi; “Jaamacadda markii aan dhiganayay waxa aan ku dhacay maaddooyin badan, saaxiibkayna waxa uu ku baasay dhammaan maaddooyinkii aan dhacay, saaxiibkay maanta waa “Injineer” ka shaqeeya shirkadda Microsoft, aniguna waxa aan ahay mulkiilaha shirkaddaas”.
Biyo dhaca qoraalkaygani waxa uu yahay sarraynta derajooyinka imtixaanaadku waa arrin qurux badan, dugsiyada iyo jaamacaduhuna waa meelaha ugu mudan dunidan aynu ku noolnahay, se waxa foolxumo ah in ubadka lagu miisaamo derajooyinka ay keenaan imtixaanka. Aan isweydiinno;-

Maxaynu dhammaanteen u doonaynaa in ubadkeennu wada noqdaan dhakhaatiir, sidii oo ay waajib tahay in qof kastaa isagu is daweeyo?!,

Sidoo kale maxaynu u wada doonaynaa in ubadkeennu wada noqdaan Injineerro ,sidoy in fooqaq la wada dhistaa waajib tahay?!

Tolow miyyaynaan u baahnay qof dab gelinta yaqaanna? Mid kale oo biyo gelinta belo ku qaba? Dawaarka iyo qurxinta dharka mid khatar ku ah iyo ku kale oo badan.

Aynu  ogaanno in derajooyinka imtixaanaadku  yihiin tirooyin,  yaraynona ama joojinno waynayntooda, noloshu tirooyin ka gun dheer’e!

W/Q: Ad-ham Sharqaawi

W/T: Xamse Cumar Kujoog

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here