Qaska Jigjiga: Dhinacyada Isku Haya Deegaanka Soomaalida Itoobiya (Warbixin)

0
1

Jigjiga (Hubaal) Siyaasada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ay u muuqtay mid aan daganayn. Arintan ayaa waxa ay ka dambeeysay ka dib markii uu isbadal guud ka dhacay dalka Itoobiya. Isbadalkan ayaa waxaa horkacayay rai’sul wasaaraha Itoobiya De Abey Axmed. Hadaba yaa isku haya siyaasada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

1:Xisbiga dimuqraadiga shacbiga sooamalida Itoobiya

Xisbaga dimuqraadiga shacbiga sooamalida Itoobiya (XDSSHI) ayaa ah xisbiga imika ka arrimaya deegaanka Soomaalida Itoobiya. Xisbiga ayaa hayay talada deegaanka Soomaalida Itoobiya in ka badan 10 sano. Waxaa tobonkii sano ee ugu dambeeyay xilka hayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

2:ONLF

Jabhadda ONLF ayaa muddo badan u dagaalamay sidii uu gobolkaasi u madaxbanaani uga qaadan lahaa Itoobiya. ONLF ayaa waxa ay muddadaasi ahaayeen mucaard hubaysan oo dagaal kula jiray ciidamada Itoobiya. Dowladda Itoobiya ayaa horey ugu aqoonsanayd jabhadda ONLF in ay yihiin urur argagixiso. Balse markii uu xilka la wareegay ra’isul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa waxa uu baarlamaanka dalkaasi ka saaray ONLF in ay argagixiso yihiin.

Jabhadda ONLF ayaa u muuqtay muddoyiinkii u dambeeyay kuwa muujiyay dabacsanaan siyaasadeed.

3:Dulmi diid:

Dulmi diid: waa urur mucaarad ku ah dowlada uu hogaamiyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa ay sheegeen in ay doonayaan isbadal ka dhaca deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida magacooda ka muuqto waxa ay sheegeen in ay diidan yihiin dulmi ay sheegeen in ay waddo dowladda imika xilka haysa. Ururka ayaa dadka xubnaha ka ah waxa ay u badan yihiin aqoonyahanno ka soo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

4:Ururka SRAJ.

Ururka Isbahaysiga Caddaalada ee Deeganka Soomaalida ee (SRAJ) waxa ay sheegeen in ay doonayaan cadaalad laga hirgaliyo deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa ay wadaan olola ay sheegeen in ay ku doonayaan cadaalad ay helaan shacabka Soomaalida Itoobiya

SHARE
Article horeXukuumadda Oo Ka Jawaab Ka Bixisay Dhawaaqyo Ka Soo Yeedhay Xisbiga WADDANI
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here