HUBAALMEDIA.COM
Qayb Kamida Taariikhdii Suxufigii Cabqariga ahaa Ee Mijir Qaadi oo Burco ku geeriyooday
July 3, 2017 - Written by Mustafe Faro

mijir qaadi

Mijir Qaadi Maxamuud oo ahaa Weriye Cabqari ah oo soojireen ah Waxaa uu shaqadda Warbaahinta Bilaabay Sanadkii 1945-tii isagoo ka bilaabay idaacadii xilligaa la aasaasay “Radio kudhu” oo ilaa hal kiiloo waad war laliskeedu ahaa “Radio kudhu” oo ciidamada meleteriga ingiriiska markii hore loo keenay ayaa hargaysa ka tiilay halka looyaqaan “Taardheer”  Mijir qaadi Maxamuud waxaa uu xilligaas ugu da’yaraa facii shaqada Idaacada lagu bilaabay oo ay kamid ahaayeen. Maxamed Xaashi , Muuse galaal, Cabdixakiin Caabi , Cabdi Ducaale ileeye , Axmed Cabdi rooble, Aadan dhakhtar Iyo rag kale oo Tiro badan. 1952 kii ayaa idaacadii “Radio kudhu” labalaadhiyay kadibna Radio Hargaysa ayay noqotay idaacadii Mijir Qaadi isagoo Hanaqaad xirfadyahan ah ayuu kamid noqday dhalinyaradii ay ku nasteen facii kawaawaynaa oo markii danbe madax wada noqday. Mijir qaadi Waxa uu noqday suxufi caan ka ah dhulkii Ingiriisku haystay ee Somaliland protectorate iyo guud ahaan deegaamadii soomaalida ee baahinta Idaacadu gaadhsiisnayd. Markii danbe ee Somaliland iyo Somalia laysu daray ee ay dhalatay Somali Rebuplic Wuxuu uwareegay Radio Muqdisho. Waxaa uu kaalin muuqata ka ciyaaray barnaamijyadii wacyigelinta ee Somalinimada Cusub lagu fahamsiinayay Umadda Soomaliyeed Kadibna markii danbe wuxuu noqday Nin la mabda noqda ragii siyaasiyiinta iyo hal-abuurka isugu jiray ee ka horyimi dawladii kacaanka ilaa uu markii danbe uu Ka midnoqday Jabhadii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Mijir ayaa noqday wakiilka SNM u qaabilsan Adis Ababa kalkaas oo laga korinjiray Jabhadaha Siyaad barre dagaalka kula jira . Xilligaas idaacadii halgan ayuu geestakale kamid ahaa ragii ay fikir ahaan ku tiirsanayd. Mijir qaadi Maxamuud Ayaa markii SNMdagaalka kuqabsatay Gobolada woqooyi ee Madaxbanaanidoodii dib ugala soo laabtay Soomaaliya oo ay lixdankii maanta oo kale Kowda july midoobeen ka hawl galay dib uyagleelida iyo dib uhabayntii idaacadii Radio Hrgysa iyo nabadayntiii dadka iyo dal Somaliland. Mijir qaadi Maxamuud ayaa mudooyinkan danbe da’ iyo daal iyo Xanuuno isugu darsameen inkastuu kamid ahaa Xilligan Madaxda Sharfan ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland. Mijir Qaadi Maxamuud caawa   wuu inaga hooseeya keliya wuxuu ubaahanyahay Ducada Umadiisa iyo in ilaahay Samir iyo iimaankasiiyo eheladiisii. Mijir oo aan sanadkii 2013 kii aan kuwaraysatay Marnaamijka Waayo Arag SLNTV Ayaan idiinka soo qoray xogtan kooban ee taariikhtii nololeed marxuun mijir qaadi Maxamuud. Mijir ayaa waraysigaa wuxuu ku sheegay in Somaliland horumarkeeda iyo meelmarinta qadiyadeeda guul laga gaadhikaro keliya marka ladhiso Weriyeyaasha dalka Somaliland laakiinse hadii xaalkooda sidaa lagu daayo waxwaliba ay gaabis noqonayaan

Innaa lillaahi wa inna ilayhi raajicuuun

Qalinkii Cabdisataar Sabri

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews