Qaybta Labaad Ee Isku Shaandhaynta + Masuulka Buuxinaya Jagaddii Samaale Iyo Is-rogashada Kooxaha

0
15

Hargeysa (Hubaal) Iyadoo weli ay sii qoyan tahay xiisadda siyaasadeed ee isku shaandhayntii madaxtooyadu samaysay, ayaa waxa isa soo tarayay shalay ilaa xalay qofka bedeli doona ee loo magacaabi doono jagada uu baneeyay cabdicasiis Samaale,isla markaana waxa socota hadal hayn la xidhiidha talaabo la filayo in madaxtooyaddu kaga jawaabayso talaabadda uu qaaday Cabdicasiis.

 Madaxtooyada

Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo kala duwan, isla markaana ay isu tebinayeen dadka siyaasadda falanqeeya laftoodu, waxa magaciisu suuqa wararka soo galay shalay ilaa xalay, nin lagu magacaabo Dr Maxamed Daahir oo la sheegay inay isku hayb hoose yihiin wasiirka is casilay, balse loollanka murashaxnimadda xisbiga Kulmiye dhexdiisa ka mid ah taageerayaasha Muuse Biixi, in la filayo in madaxweynuhu u magacaabo jagadda uu banneeyay Cabdicasiis samaale.

Dhanka kale, xoggo laga soo xigtay illo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa tusmaynaya qayb kale oo ka mid ah isku shaandhayntani inay soo socoto, isla markaana la filayo in xubno kale oo haatan xilal hayaa waayi doonaan boosaskoodda, qaar cusubna la saadaalinayo in lagu bedeli doono. Magacyada kale ee laysu tebinayay in xil wasiirnimo loo magacaabi doono, waxa ka mid ah Abiib Xasan Filfil oo ah siyaasi ka soo jeedda gobolka Gebilay, ahna nin lagu tiriyo xulafadda Gudoomiyaha Kulmiye. saadaashan ayaa hadday sidaa run ku noqoto, waxay ka dhignaanaysaa inuu markaa meesha ka bixi doono Abiib Diiriye Nuur oo isna xisbiga dhexdiisa loo tiriyo dhinaca Cabdicasiis Samaale, haatan ah wasiirka Wershadaha.

Xuseen Axmed Caydiid oo ah wasiirka Caddaalada ayaa isna ka mid ah xubnaha hilaadinta qaybta dambe ee isku shaandhaynta loo malaynayo inuu ku waayi doono xilkiisa, isla markaana Wasiirka ugu miisaanka culus xukuumadda Xirsi Cali X Xasan ayaa laga yaabaa in laga bedelo madaxtooyadda oo la geeyo wasaarad kale, isla markaana Maxamuud Xaashi oo hadda duulista jooga iyo xil. Cali Mareexaan oo ka tirsan golaha wakiiladda ayaa dhici karta in midkood madaxtooyadda yimaado. Xil. Cali Mareexaan ayaa la tilmaamayaa inuu muddo badan naawilayay in Xirsi meesha laga qaado, sidaa darteedna uu si aan is muujini u jirin u shido xasarad kasta oo siyaasadeed oo lid ku ah wasiirka madaxtooyadda.

Xusidda xogahaa aan la xaqiijin ee haasaasaha kala duwan tibaaxaya ka sokow ma jiraan warar rasmi ah oo soo baxay.

Dhinaca kale, xoggo aan la xaqiijin oo si wayn dadku xalay isula dhex marayeen, ayaa sheegay inuu jiro qorshe madaxtooyaddu doonayso inay kaga jawaabto mawqifka Cabdicasiis Samaale,isla markaana waxa la sheegay, in qorshahaasi yahay in Cabdicasiis la geliyo baadhis xisaabeed oo hantidhawrku ku sameeyo muddadii uu xilka hayay. “ilaa xalayba waan maqlayay waxa la doonayaa in Cabdicasiis odhat la geliyo, laakiin weli run lama hayo”, sidaa waxa yidhi, mid ka mid golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kana mid ah taageerayaasha Samaale. Hase yeeshee ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo madaxtooyadda ka soo baxay.

source:ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here