QIIL MA LAHA QUUDHSIGU. W/Q: C/raxmaan Maxamed Dheere

0
72

Abtirsiga iyo wax isu ahaanshuhu waa hab ururiya oo isku tola dadka afka iyo isirkuba mideeyaan ee diin iyo deegaan wadaagta ah ee soomaaliyeed. Waa hab iyo hanaan guun ah oo ilaa beri fog loo noolaa lana qabatimay oo in si fudud loo dooriyo aan la filayn. Waa hab ay soomaalidu isu tixgeliso isuguna tiirsato oo tolnimo loo yaqaan, waana nidaam ay isu taakulayso isuna taageerto wax badana ay isugu tarto.

 Si quman hadii loo adeegsado waa qaab-nololeed isku xidha bulshada keeda qaniga ah iyo qaadaa ma dhergaanka  caydha ah.  hadii qalooc loo isticmaalo se waa hoog iyo hadimo laga dhaxlo diif iyo darxuma raagta iyo dib u dhac nololeed oo saameeya dad iyo dalba.

Inta badan colaadaha soomalida kala dilaa waxay salka ku hayaan dirir iyo dagaalo ka dhex qarxay beelo wada yaala oo ood-wadaag ah iyo utun u dhaxeysa laba qabiilo.

Inkasta oo aanan qalinka u qaadan inaan wax badan ka qoro habka qolo qoloda ku dhisan ee ay soomaalidu u dhaqan tahay hadana waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago qeyb ka mida qaab nololeedka soomaalida oo aan dulmar iyo dareensiin uun uga jeedo ee aanan hoos ugu sii degaynin.

Sida in badan oo dadyowga dunida ku nool ahiba ay dhaqan xun iyo mid wacanba u leeyihiin ayay bulshada soomaliyeedna u leedahay dhaqano liita oo dadnimada iyo damiirkaba ku xun iyo kuwo la majeerto oo inbadan la mahadiyo. anigu ka aan u socdaa waa ka hore ee aan haboonayne, dhaqanada liita ee soomaalida dulaystay waxaa ka mida quudhsiga la quudhsanayo qayb dhan oo bulshada soomaliyeed ka mida oo waxay galeen iyo waxay galabsadeen toona aan ilaa haatan la garanaynin oo hadana gef iyo gardaro cadaana goor walba lala daba taagan yahay.

Inta la og yahay tariikhda lama hayo cid sugaysa oo si cad uga faaloonaysa goorta la qorsheeyey in qaab nololeedka bulshada soomaliyeed uu noqdo mid ku dhisan beelo kala mudan oo kala burji iyo buruud sareeya, balse waxaa si qiyaas iyo qiil raadis ah loo sheegaa dhacdooyin duug ah oo aan maanka fayoobi qaadan Karin oo la leeyahay waxay sabab u yihiin sinaan la’aanta nasabiyada beelaha soomaaliyeed. Waxay beelaha isu bogay dad ka mid ahi sheegaan in beri six xun loo busaaradsaday oo abaar ba’ani ay dhacday silica iyo saxariirkuna meel sare gaadhay uu bakhtigu xalaal noqday oo ay dani kaliftay in qof waliba dib u quuto oo uu naf ka dayo xoolihii ka baxay ee ay abaartu ka laysay si uu ugu badbaado uguna baahi baxo kadibna sidaa la wada yeelay oo cid waliba caloosha waxii ay helaysay xaaraan iyo xalaal ay ka buuxsatay, balse markii abaartii laga doogay beelihii qaar ka mid ahi ay af-dhaqdeen oo ay istaaq-furulaysteen badhkii hadhayse ay halkoodii baaqi ku noqdeen sidaana ku baydheen oo ay bulshada kaga dhex baxeen taasina ay keentay in ilaa iyo maanta aanay cidi waxba ku darsan una doonan.

Hadii dhacdadaas lafteeda la daliishado oo looba daayo inay tahay waxaan dhaqanka soomaliyeed iyo diinta islaamka midna ku habooneyn oo dadka la sahashadaa ay sameeyeen, intee la og yahay tu kasii daran oo qolyaha isla qumani si aan qarsoodi lahayn isula qaateen.

Intee la ogyahay saado is moodku iyagoo ku tashanaya oo dhamaantood isku raacaya inay daadiyaan dhiig islaam oo ay galaan dhagar islaam, imisaa la ogaa iyagoo isaga raaliya inay duudsiyaan oo ay duunyadooda dhacaan dad islaama ama ay u diideen daaqa iyo deeqda alle oo ay degsiimada u miyeen. Intee la garanayaa iyagoo garab siinaya oo gar-eexo ugu hiilinaya mid ama koox iyaga ka mida oo si kas ah illaahay uga kufriyay umadiisana u kadeeday oo ku kibray. Intaaba hadii laga yimaado miyaanu illaaha bakhtiga cunistiisa xaaraantimeeyey aanu dhawrin oo ilaalin xuquuqda jiritaanka, ta cirdiga iyo ta cuud yeelashada qofka islaamka ah, cidii ku xad gudubtana aanu cadaab guba u goodinin.

Horayso iyo danbayso, beelaha soomaliyeed ee nasabka wacan ku andacoodaa waligood alla-koodnimo iyo xaaraan cunis toona iskumay dayrin isugumanay darraan hadana marka la waydiiyo sababta dadkaas iyaga ka mid ka ah loo faquuqayo ee loo fogaynayo, waxaa laguu sheegayaa waxaas iyo wax kasii liita. Iyadoo aan waligeed sir iyo caad toona loo arag oo aan loo maqal meel ay dadkani bakhtiga iska daaye boolida iyo been ku macaashka dadka kale banaystay ay ku cunayaan ayaa hadana ilaa iyo maanta oo ay maskaxda aadimigu kobocday aqoontuna korodhay aad maqlaysaa iyadoo loogu qiil samaysanayo si loo yaso oo loo yaraysto dadnimadooda wanaagsan oo loogu bah dilo damiirkooda xalan ee intaa u dul qaadanayay ceebaynta iyo cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo habeen iyo maalin.

Boogaha daqiiqad kasta damqanaya iyo dareenka nuglaaday ee diiqadda ay didmadu u dheer tahay  maaha wax qoraal iyo laba toona lagu sheegi karo oo lagu cabiri karo mana aha wax qof aan isagu dareemin yasida iyo yaraysiga qofnimada iyo qiimaheedu uu si sax ah uga hadli karo, hayeeshee garashada suubani waxa ay ku tusi kartaa huqda gaadhaysa qof karti iyo karaamaba u saaxiiba oo anshax iyo aqoon sare leh isla markaana ehlu diin ah oo iyadoo qabiil la xeerinayo laga door biday mid loofar ah oo nolosha ka dhacay, alif iyo ba’na aan kala saaraynin, xurmo darada iyo akhlaaq xumaduna u dheer tahay. Waxa aad muraara dilaacaysaa oo ay muraayadu ku jabaysaa markaad aragto ama ay dhagtaadu maqasho af-xumada iyo ereyada naxariista daran ee loola badheedhayo sinjiga iyo sawraca ay beelaha gabooye leeyihiin. Ciil iyo calool xumo ka wayni ma jirto marka qof aad si walba uga mudan tahay lagaa hor mariyo oo aad isaga u hogaansanto, naxli iyo niyad-jab ka xumina ku soo mari maayo mana arkaysid in taag laguu sheegto oo taada lagaa dhaqaajiyo oo lagu takooro, tilmaanta iyo tabaha aad leedahayna la isku caayo oo cirdigaaga la isku ceebaysto.

Garab iyo gargaar cida ay ka sugayaan ee beelaha gabooye ay hiil ka filayaan oo ay hilbuhu ugu yaalaan waa dadka inkiray karaamadii uu eebe noolaha kale kaga soocay aadamaha ee ka xistiyey kana xaasiday xaqoodii iyo xuquuqdoodii ay nolosha ku lahaayeen. Waa dadka aan u ogolayn in ay la dhaqmaan oo ay dhex galaan waana kuwa isirkooda iinta u yeelay iska weyneeyey. Waa dadka u geystay gefka weyn ee gumeeyey godobtana ka galay.

Hibada eebe iyo haybadda dadnimo cid ka qaadi karta oo cid kale ka xayuubin kartaa ma jirto waxaa se aan ugu danbaynitii ku soo ururin lahaa qoraalkaygan kooban, lama heli waayin wado loo maro wax ka qabashada aafadan ina wada saamaysey ee dadkeenii kala fogaysay, naxliga iyo nacaybka badana abuurtay  ee waxaa jirta hagrasho dhan walba ah oo aqoon-yahanka iyo haldoorka umadu ku hagradeen in xanuunkan la baanto oo la bogsiiyo dadkana laga wacdiyo oo laga waaniyo. Waa biyo kama dhibcaan in danaha umada hoos loo eego oo cidii midida daabkeeda haysaa ay ku dadaasho sidii ay ula dagaalami lahayd dhaqanada xunxun iyo dhaliilaha jira ee ay bulshadeenu leedahay.

Cabdiraxmaan maxamed dheere

Samawade1@yahoo.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here