HUBAALMEDIA.COM
Qiimaynta Barnaamijka Qiimaynta ee Weriye Cali Xaraare iyo Mustafe Martin
October 4, 2016 - Written by admin

Dhakhaatiir aan Dhakhtarnimada Aqoon & Sirdoon Dalka Bur-burinaya

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

xamdiWaxaan daawaday ilaa 90% barnaamijka Qiimaynta ee youtube-ka ku jira, kaasoo ay jeediyaan Wariye Cali Xaraare iyo Mudane Mustafe Martin, waxaana ii soo baxday barnaamijkani inuu waxyeelo ballaadhan ku hayo ummadeena iyo qiyamka ay ku nooshahay.

Mawduuca ugu badan ee ay ka hadlaan labadaasi mudane ee kor ku xusan waa musuq-maasuqa, waana hubaal in musuq-maasuqu uu ku baahsan yahay dalkeena oo saamayntiisa cid kastaaba way arkaysaa, iyadoo musuq-maasuqa dalkeenu uu yahay mid ay shuraako buuxa ku yihiin madaxda dalku iyo shacbiguba, laakiin xaqiiqda barnaamijkani waxay tahay in barnaamijku aanuu hadafkiisu ahayn la dagaalan musuq-maasuq, balse ay tahay la dagaalanka hogaamiyaasha bulshada dhinacyadeeda kala duwan sida: siyaasad, dhaqaale, ganacsato,  dhaqan iyo culimaa’u diin…iwm.

Arrintaasi oo macneheedu yahay in bulshada dhexdeeda laga abuuro shaki ballaadhan oo ku saabsan dhamaan noocyada kala duwan ee hogaamiyaasha u taliya, iyadoo dadka la tusinaayo in dhamaan madaxdaasi ay yihiin kuwo shacabka dhib u geysanaya, taasina waxay horseedaysaa kacdoon shacbi oo ka dhan ah dhamaan madaxdii hogaaminaysay, taasina waxay Somaliland galinaysaa fawdo iyo amni darro aan la malayn karin xaalada ay ku dambaynayso, iyadoo hadhawna ay adkaan doonto in xal loo helo mushkilada Somaliland, maadaama dhamaan hogaamiyaashii bulshadu noqdeen kuwo ku dhex ceebaysan shacabka.

Somaliland wakhtigan xaadirka ah uma bisla inay ka dhacdo kacdoon shacbi, sababtoo ah wali garaadka shacabka Somaliland muu korin dhinaca siyaasada iyo dawladnimada, kacdoon kastaaba oo dhaca wakhtigan wuxuu Somaliland ka dhigayaa sida dalka Yaman oo kale ama ka daran, iyadoo shacabkaasi Yaman uu ku dhaqaaqay kacdoon aanu wali bislaanteedii yeelan, waxaana ka dhashay baaba’ aan dhamaadkiisa la saadaalin karin.

Somaliland maanta waxay u baahan tahay in la dhiso wacyiga shacabkeeda oo isagu run ahaantii ka taliya, oo la nacsiiyo shacabka qabyaalada iyo musuq-maasuqa, iyadoo la fahansiinaayo dhibta ay arrimahaasi ku leeyihiin mustaqbalkiisa iyo noloshiisaba, oo haddii uu dalkeenu ka jiro musuq-maasuq waa mid uu shacabku raali ka yahay, haddii  uu jirtana qabyaaladi waa mida ay shacabku wax ku doortaan, oo eeda hogaamiyaasha la saari karaa waxay tahay in aanay bulshada u horseedin is badal kaasi ka duwan oo qudha.

Talaw maxaan ku keenay dhaleecaynta aan ujeediyay barnaamijkan anigoo arkay qaar ka mid ah asxaabtayda oo u arka inuu nasteex u yahay ummada, asbaabtayduna waa kuwan:

  1. Mid ka mid ah qeexitaanada lagu qeexo musuq-maasuqa waxa uu yahay (mad-madaw, iyo caddayn la’aanta), markaa barnaamijku isagoo la dagaalamaaya mad-madawgaasi waa inuu keenaa qaab ka duwan oo ku salaysan xalliibnaan iyo saraaxad (Transparency), laakiin barnaamijkan ayaa marka uu hogaamiyaasha dalka ku eedaynaayo musuq-maasuq isaga laftiisu aan soo bandhigayn oo aan caddaynayn qaabka uu ku gaadhay natiijadan, oo si qiimaynta barnaamijku u noqoto qiimayn saxan waa inuu inoo sheegaa halka uu ka keenay xogtaasi, laakiin mar kastaaba labada mudane waxay sheegaan in xogtaasi loo soo gudbiyay (talaw yaa u soo dhiibay? Ma hayad sirdoon oo ay ka amar qaataan ayaa u soo dhiibtay?), halka mararka qaar ay tilmaamaan inay codayn u fureen oo ay dadku u codeeyeen dadkan eedaymaha khaldan lagu eedeeyay.
  2. Haddii eedaymaha iyo magac xumada uu barnaamijku u jeedinaayo madaxda qaranka uu saldhig u yahay aragtida dadwaynaha, maxaa ay u soo bandhigi waayeen natiijadaasi oo tafifaftiran, isla markaana ay cadahay sida loo qaaday aftidaasi dadwayne? Maadaama ay sidaasi samayn waayeen, ma dareemaysaa in barnaamijku ku shaqaynaayo qaab mad-madaw leh iyo wax is-daba-marin, isagoo sheeganaaya inuu la dagaalamaayo arrintaasi?
  3. Haddii liistooyinka xumaanta ee uu soo bandhigo barnaamijkani lagu saleeyay aftida dadwayne , miyay noqon kartaa mid eedayn lagu salayn karo, oo qof bini aadam ah lagu shaabadayn karo magac xumo iyadoo sabab laga dhigaayo, aragtida dadwaynaha?
  4. Sharciga dalka Maraykanka ee ay joogaan labada mudane iyo ka Somaliland, labaduba waxay mamnuucayaan in warbaahintu noqoto garsoor dadka ku shaambadeeya eedo, sababtoo ah, warbaahintu doorkeedu kaliya wuxuu yahay inay soo bandhigaan xaqiiqadaha jira, dadkayna u taalaa waxay aaminayaan, halka qof cayiman in dambi lagu eedeeyaa ay tahay shaqo maxkamadeed ka dib marka ay caddaymaha dhagaysato.
  5. Sharciga warbaahinta xorta ahi waxay ku waajibinaysaa warbaahin kasta inay labada dacal ee mawduucu khuseeyo laga siiyo barnaamijka jaanis ay aragtidooda ku difaacaan, haddaba su’aashu waxay tahay, talaw maxay labadan mudane, dadkan ay eedaynayaan u siin waayeen jaanis ay isku difaacaan?
  6. Haddii labadan mudane ay danta Somaliland si dhab ah u jecel yihiin waa inay cadaymaha ay hayaan u soo gudbiyaan si tifaftiran oo cad, si loogu sii gudbiyo hayadaha garsoorka ee kala duwan si loola xisaabtamo dadka dambiyadaasi geystay, taasoo keenaysa inay dambiyadaasi joogsadaan, markaa labadan mudane ee barnaamijka daadihinaaya waa laba midkood: ama way hayaan tafaashiisha iyo waraaqo cadaynaya in dadka ay sheegayaan dambiyo cad qaranka ka galeen oo ma doonayaan inay soo bandhigaan? taasina waxay iyaga laftooda ka dhigaysaa tuug-kal-kaaliyaal, ama waa niman aan wax xog ah haynin oo kaliya madaxda qaranka iska soo caayaaya?
  7. Waxa aad iiga yaabiyay xalqada ay ugu magac dareen (Guul-wadayaasha), taasoo ay ku qeexeen guul-wadayaashu inay yihiin dad uurkooda ku qarsanaaya wax ka duwan waxa ay muujinayaan, iyagoo miisaankaana isticmaalaya ayey tobaneeyo qof ku tilmaameen guul-wadayaal, runtii taasi faalo uma baahnee kaliya waxay u baahan tahay hambalyo ballaadhan in loo diro labadan mudane ee awood u yeeshay inay dhex galaan uurka masuuliyiintaasi, oo ka baxay awoodii bini aadamka caadiga ah ee aan ogaan karin waxa uurka qof kale ku qarsoon.

Runtii haddaan is idhaahdo xalqad-xalqad u faalee barnaamijkan  maqaalkan ayaa igu dheeraanaaya, waxaana ka soo saaraynaa gafaf badan oo ku saabsan sharciga dalka Maraykanka iyo ka Somaliland, iyo gafaf kale oo dhinaca diinteena suuban iyo dhaqankaba.

Ugu dambayntii Barnaamijkani waxaan hubaa in waxyeelo mooyaane aanuu faa’iido u lahayn dalka iyo dadka toona, waxyeeladiisana waxa ka mid ah faafinta shakiga iyo is aamin la’aanta madaxda iyo shacabka, isku dirida shacabka iyo dhamaan noocyada kala duwan ee hogaamiyaashiisa.

Dadka qaar ayaan arkay iyagoo u riyaaqay barnaamijkan ka dib markuu farta ku fiiqay dad ay siyaasad ahaan iska soo horjeedaan ama ay is necbaayeen, halka dadka kale-na ay ku yara farxeen markii ay soo bandhigeen liistadada dadka ugu wanaagsan, iyadoo ay labada arrimoodba yihiin arrimo aan qiimo badan ku fadhiyin oo ina ilawsiinaysa arrinta weyn ee meesha taalla, taasoo laga yaabo inay ka mid tahay qaab ay isticmaalaan sirdoonada waawayn ee caalamku si ay dalalka ugu burburiyaan.

Qaabkani waa mid caan ah oo ay isticmaalaan sirdoonada caalamka ugu waawayn sida kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska oo buugaag badan ka hadashay, kuwaasoo dalka ay doonayaan inay ku abuuraan khal-khal iyo amni darro ay u isticmaalaan siyaasad xirfadaysan oo af-soomaali ahaan aynku ku sheegi karno maah-maahdan (abeeso madaxaa laga dilaa), taasoo ujeedada qorshahani tahay in laysku diro madaxda iyo bulshada, oo bulshada la tuso in dhamaan qaybaha kala duwan ee madaxda u ahi ay dhamaantood yihiin kuwo shacabka aan u danaynayn, si ay dalkaasi uga dhalato kacdoon shacbi oo aan qorshaysnayn isla markaana aan lahayn hogaan, taasoo ay ka dhalanayso xasilooni darro iyo baaba’ ballaadhan.

Markaa su’aasha aanan jawaab u haynin waxay tahay: Talaw labadan mudane ma waxay yihiin dad doonaaya inay wax hagaajiyaan laakiin aan garanayn sida wax loo hagaajiyo? Mise waa askar tababaran oo Ilmada yaxaaska yaqaana oo mushaharkooda iyo amarkoodaba ka qaata sirdoon shisheeye oo hadafkiisu yahay burburinta Somaliland? Anigu runtii jawaabta su’aashaasi ma hayo, laakiin labada jawaabood kay noqotaba waxa kuu soo baxaaya in barnaamijkani uu yahay mid aan u qalmin in la daawado.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews