“Qofku Ha Qoro Buug Laakiin Haddii La Naqdiyo Ama Doodi Ka Dhalato Waxa Looga Baahan Yahay Inuu Difaaci Karo”

0
1

Cali gurey

Xirsi hadii uu Axmed Silanyo Oo 80 jir ah bartay uu ku Qiimeeyay Dhawr sanadood Uu wasiir u ahaa Wuu Qaldan yahay waayo Axmed Silaanyo dhawrkii sanadood uu madaxwaynaha ahaa taariikhdiisu way ka dheertahay. Mudadii uu wasiirka u ahaa wuxu ka mid ahaa intii ku xeeraan jirtay een anigu u aqaanay dhibaatooyinka madaxwaynaha. Waxan uga jeeday kuwii odaygu hadii uu waayeelay oo daalay asturi lahaa ee marada ku qaban lahaa ayaa qaawinaya oo u arkay xaaladdiisa fursad u dagatay waanay kaga faa,iidaysteen oo hanti badan oo ummadeed ayay ku boobeen magaciisa ama awoodihiisii madaxwayne-nimo. Xirsi markii uu ka tegayay Axmed Silaanyo waxa laga qoray “waxan ahay afartan jir afartan milyan haysta”

Qofku ha qoro buug laakiin waxa looga baahan yahay inuu difaaci karo wixii uu qoray hadii la naqdiyo uu keeno ismaandhaaf ama doodi ka dhalato. Marka uu qofku hadlayo runba ha sheego eh iyo marka uu runtii buug ku qorayo isku mid maaha waayo buugu maaha hadal mar la yidhi oo halkii lagaga hadhayo ee wuxu noqonayaa dhigaal weligii oolaanaya. Markaa buugan Xirsi maan akhriyin laakiin waan iska fahmi karaa in sua’aalo badani ay ka dhalan doonaan waxa uu qoray iyo waxay uu qariyay ee isaga khuseeya.

 

Cali gurey

SHARE
Article horeHay’adda Shaqaalaha Oo Qalabkii Ugu Badnaa Guddoonsiisay Machadka Shaqaallaha Dawladda ee CSI
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here