“Qololadaa Aanu Tolka Nahay (Majeerteen) Waxa Ay Wadaan Ee Ah Dhulbahante Iyo Warsangeli Waa Qabaa’il, Waa Fidno Cusub Oo aan uga digayo Dawladdaha Itoobiya, Kiiniya & Jabuuti”

0
1

Xildhibaan Indho-Indho Oo Dawladdaha Itoobiya, Kiiniya Iyo Jabuuti Ugu Baaqay Inay Ka Foojignaadaan Qori Dab Leh Oo Puntland Kula Dhex Wareegayso Mandaqada

“Ciidamada qaranku awood bay u leeyihiin saacado yar inay garoowe kaga soo hadlaan. Laakiin way ixtiraamayaan reer Nabi Aadan iyo heshiisiinta ay wadaan, cid kasta oo wanaag wada waanu soo dhawaynaynaa” Xildhibaan Indho-indho

Hargeysa (Hubaal) Xildhibaan Indho-indho oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ku baaqay in la ixtiraamo bisha barakaysan ee lagu jiro ee Ramadaan, isla markaasina laga dheeraado in dhiig qof muslim ah la daadiyo, gaar ahaan xildhibaanku wuxuu baaqan u diray maamulka Puntland ee duulaanka kusoo qaaday ciidamada Somaliland ee fadhiya aagga Tuka-raq.

Xildhibaan Indho-indho oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa yidhi;

“cida wada dagaalka waxaan leeyahay waar joojiya, waliba nimanka aanu tolka nahay baa aad u dhiiran oon la hadlayaa. Nimanka aanu isku dawladda nahay way na maqlayaan oo na ixtiraamayaan oo beesha caalamkana way ixtiraamayaan, laakiin nimanka aanu tolka nahay ee aanu walaalaha nahay, inay kala garan la’yihiin walaalnimadii iyo dawladnimadii. Waxaan ugu baaqayaa dawladda Itoobiya, dawladda Kiiniya iyo dawladda Jabuuti, haddii qololadaa aanu tolka nahay (Majeerteen) waxa ay wado ee ay leedahay Dhulbahante iyo Warsangeli waa qabiilo, waxaanu uga digaynaa inay beritoole Daaroodka Itoobiya qabsan doonaan, Ka Kiiniya qabsan doonaan, waa Fidno cusub oo aanu ka digayno.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho

SHARE
Article hore“Waa Maxay Hambalyada Ninka Xamar Xilka u Doontay!!!”? W.Q: Prof. Cabdi Cali Jaamac
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here