Qormo Gorfeynaysa Ergadii Gurmadka Ahayd Ee Lagu Soo Furdaamiyey Abwaan Gama’diid…W/Q: Maxamuud Aw Xasan Carraale

0
164

“Ma Hal Baa Ku Siiyaa, Mise Hal Baan Kuu Idhaahdaa?”

Qormo Gorfeynaysa Ergadii Gurmadka Ahayd Ee Lagu Soo Furdaamiyey Abwaan Gama’diid…W/Q: Maxamuud Aw Xasan Carraale

Maallinimadii Dorraad ee jimcihii ayay ahayd markii Hargeysa ay farxad iyo damaashaad u ahayd kadib  soo dhawayn Magaaladda Hargeysa loogu soo dhaweeyey Suldaanka Guud  Ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi iyo Abwaanka Cabdiwaxid Cali Gama’diid oo Isna ah abwaan da’yar oo sanadahan danbe aad geyiga Soomalida  looga yaqaan.  Guud ahaan bulshada waxa ay gudo iyo dibedba u ahayd guul ay ka mabsuudeen Madax dhaqameedkii  beesha ee uu hoggaaminayey suldaanka guud, muddadii labada bilood ahayd ee ay ku sugnaayeen magaaladda Garoowe oo ay kala kulmeen maamuus gobeed, marti gelin iyo muraadkii ay u tegeen Garowe oo ahaa abwaanka xidhan oo hagrasho la’aan ugu soo dhamaaday.

CarraaleSuldaanka iyo gudidi raacayday (oo ka soo horeysay) waxay garoonka dayaaradaha ee Hargeysa ku qabteen shir jaraa’id oo ay ugu mahad celiyeen maamulka Puntland iyo madax dhaqameedkii ay la kulmeenba sidii maamuuska iyo sharafta lahayd ee Garoowe loogu soo dhaweeyey, waxayna sheegeen in sidii ay reer Puntland u maamuseen ayna ka helin Somaliland. Waxayna umadda u sheegeen in ay indhaha furtaan oo ay la soo eegaan tixgelinta iyo wanaaga yaal Puntland. Waxaa goobta Suldaanka iyo Abwaanka lagu soo dhaweeyey, gabay gole ka fuul ah ka tiriyey Abwaan Cabdiwaxid Cali Gamadiid oo ku iftiimiyey isagoo ka falcelinaya wanaag ay kala kulmeen beesha Majeerteen, qiimaha Majeerteenku ku dhexleeyey umadda oo uu meel sare dhigay dhinaca, garaadka, marti gelinta iyo garta iyo doodaaba. Wuxuu abwaanku Somalilada ku booriyey in beesha majeerteen laga xadhig xidhidho oo firi dhaqan lagu yeesho isagoo leh, “Soomaalida Ninkii guur damcow,Yaanad Gees Marine,

Meel uu gu’gu ku dhacay baan ogahay,Oo Geedo qariyeene,

Haddii aad dhabeel gaari ahiyo,Gololo doonayso,

Waa inuu hiyiga kaa galaa,Guri Majeerteen

Qariniga 19aad ayay ahayd Markii Abwaankii Weyna AHN ee Cabdi Warsame Baanje (Cabdigahayr) oo Abwaanka awoowgii ugu toosnaa, tixda caanka noqonatay ee nin waliba ku taamay in uu gogosha dhigato sabadaa uu Cabdi gahayr uu saxar tiray ee aan daadka iyo daroor ta lahayn gudguduu kasoo da’a. Waxa uu yidhi abwaanku,

“Dabku kama bakhtiyo Maxamedow

dumarka reer Nuuxe (Nuur Ismail, Sacad Muuse, Isaaq)

duntoodaa wanaagsan hawlaha lagama door teen e”

Gabayada qabaa’ilka Soomaaliyeed is tiriyeen, hadday tahay dhinaca geesinimadda, deegsinimadda, daacadnimadda, dun iyo Dhaqan Wadaag. Waxaa raandhiis reeba ka xagga dhaqanka khaasatan dumar. Inta kale waxay la duugoobaan waqtiga iyo waayaha. Waayo, dumarka waxay isku xidhan laba beelood oo isku noqda ehel dhow oo isku ah will iyo abtigii, Awoowg iyo Ayey, ilmaabti iyo habarwadaag, hooyo iyo habaryo: dad is dhalay oo Dhiiga iyo dhaqanka Wadaag ah oo isku xidh xidhan.

Marka Laga tago rayn raynta Beesha Ciidagale ee jimcihii  waxaa iyana jirtay bulsho badan oo ku wada xidhiidhayey dhinaca “social nerwork” ga oo hamalyeynaayey soo guryo noqoshadda Abwaanka iyo suldaankaba lana dhacsana sida Madax dhaqameedku uga mana sheegtay dhigooda Puntland taas oo ku tusaysa sida dadka Soomaaliyeed ay dhaqanka iyo samaha u jecel yihiin cidi samaysana ay ku boqaadiyaan. Waxaa kale oo goobaha meheraddaha ah ee bulshadeen isku timaad aad u soo jiitay gabayga gola ka fuulka ah ee Abwaanka tiriyey oo laga daawaday TV-yada kuna qeexay Beesha majeerteen waxay tahay. Gabaygani hoose waa gabay aan ku soo qoray baraha lagu kulmo shalay intii aan suldaan Mohamed iyo Abwaan Abdiwahid   diyaariyada ka soo degan. waa tix tilmaamaysay si kasta Abwaanka halagu xidhee in uu Gobanimo ku soo dhamaaday socdaalkii madax dhaqameedkoodu ka tagay Hargeisa (Herer) oo Boqortooyoda Majeerteen ay Suldaanka Ciidagale oo ay awal horeba Gacaltooyo u ahaayeen  milgaheedii u mariyeen” (Taliyee waa is toogo yaqaan. Waxaan Gabayga aan  baahiyey ka hor imaatinka weftiga uu u dhignaa sidan:

Gob gob xidhatay waa caadadeed in ay garowdaaye

Gudoonkii cuqaashiyo suldaan boqorku uu gooyey

Gamadiidba waa kaa haadeer gaadh la’aan yimide

Nimankaa garowiye nugaal Bari ku gaylaaman

Gacaltooyo inay leeyihii geliya laabtiina.

Gunbaan laga dhamaan maalintay gacansareeyaane

Boqortooyo guunaa wixii gala la maarayne

Nimankaa geyiga Herer degow guda abaalkooda

Dhaqan waa ma guuraan Abaal laysu gelayaye

Gobanimana waa geed baxoon dib u gaboobayne

Garooc iyo markii laanlajaro geeskala bixiye

Wuxuu xididku gaadhsiisan yahay Laas aan go’ahayne

Geedigii abaar kala tagaa waa gugow da’e

Guryaha la kala leenahee gacalku waa kiiye

Garwaaqsada wanaagana guntada waa gob camalkeede.

Abwaan Cabdiwaaxid ) waxaa Lix bilood ka hor lagu xidhay Puntland  Isagoo dan shaqsi ya u tegayaana halkaas, Immikana Maxakamaddu waxa ay sii daysay makii lagu waayay eedihii lagu soo xidhay.  Haddaba bogaadinta iyo ammaanta Majeerteen ka may dhalan sii dayn ta Abwaanka ee waxaa tisdhig u ahaa maamuuska ay ku qaabileen Madax dhaqameedka Somaliland, gaar ahaan Suldaanka  guud  Ammaantuna waa mid ku salaysan odhaahdii caanka ahayd ee Maxamed San-weyne ee ahayd “Ma Hal baana ku siiyaa mise Hal baan kuu idhaahdaa?” oo noqonasa in   halkii gabay ee abwaanku gole ka fuulka ugu yidhi Majeerteen ee ahayd:

Majeerteenku waa Niman Gobiyo, guul garaad badane,

Inta Geellu dheer yahay lo’diyo gaabanow adhiga

Intaas bay khalqiga guud mareen laysma gaasiro’e

Gabaygaa Abwaanka u shalay ku gole filayaa waa kan.

W/Q: Abwaan Maxamuud Aw Xasan Carraale,

https://www.facebook.com/marrale s

London, United Kingdom

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here