HUBAALMEDIA.COM
Qorshe Dhaxal-wareejinaya Keydka Haamaha Shidaalka Berbera Oo La Weriyey in Qasriga Madaxtooyadu Qaraar Ku Gaadhay Iyo Magaca Shirkad Imaaraati Ah Oo Loo Gacan-gelinayo
October 3, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

Gadood Iyo Guux Hor Leh Oo Soo Food-saaray Shirkadaha Haatan Gacanta Ku haya Haama Shidaalka+Bilowga Shir Doceedyo Ka Dhan Ah Bogcaddan Oo ah Tii 3aad Ee Lagu Wareejinayo Shirkado Shisheeye

bot_111Hargeysa (Hubaal) – Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya xidhiidhada daaha la saaray ee u dhexeeya Madaxtooyada Somaliland iyo  dawladda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku saabsan is-fahan ku dhinaca wareejinta haamaha keydka shidaalka Berbera oo labada dhinac isla gaadheen. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in madaxtooyadu go’aansatay inay haamaha keydka shidaalka Berbera ku wareejiso shirkadda ADNOC(Abu Dhabi Nationl Oil Company) oo ah shirkada ugu weyn dhinaca shidaalka ee dalka isu-tagga imaaraadka Carabta oo ay dawladda dalkaasi iskeed u leedahay. Is-afgaradkan oo aan weli xogtiisu dibadda usoo wada bixin, ayaa la sheegayaa inay madaxtooyadu dabada ka riixayso, waxana arrintaas si weyn uga biyo diiday oo cadho ka muujiyey shirkadaha ay xukuumaddu sanadkii hore ku wareejisay maamulka haamaha keydka Berbera ee magacooda loo yaqaanno Berbera Oil Group, kuwaas oo aaminsan inay madaxtooyadu ka daba timi heshiiskii ay labada dhinac hore u wada galeen.

Shirkadaha haatan gacanta ku haya maamulka haamaha keydka shidaalka Berbera, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey shirar hoose oo ku saabsan xidhiidhka madaxtooyada iyo shirkadda ADNOC ku lahaa goobo qarsoodi ah oo ku yaalla magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxana isla-garteen inay meel adag iska taagaan isku day kasta oo ay madaxtooyadu ku doonayso inay gacan-togaalayso heshiiskii iyaga sanadkii hore loogu wareejiyey haamaha iyo maamulkadaba.

Xogaha ku saabsan guuxa iyo sawaxanka ay shirkaduhu kaga soo horjeedaan isku-dayga ay madaxtooyadu ku doonayso inay markale shirkado shisheeye ku wareejiso haamaha shidaalka Berbera, ayaa sheegaya in madaxda kooxda Berbera Oil Group sidoo kale kulamo la qaateen waxgaradka iyo odayaasha miisaanka ku leh magaalada Berbera, isla-markaana ka codsadeen inay u dyaar garoobaan difaacidda heshiiskii ay hore xukuumadda ula galeen, kana hor tagaan wareejinta cusub ee la doonayo in haamaha mar kale lagu celiyo gacan shisheeye.

Madaxtooyada, ayaa la sheegayaa inay si mug leh ugu qanacday inay shirkadda ADNOC ku wareejiso keydka haamaha Berbera, waxana la filayaa in bilaha soo socda arrintan ay labada dhinac gunaanadaan.

Sida wararku sheegayaan waxa madaxtooyada si weyn usoo jiitay dhaqaale buuran ay shirkadda ADNOC usoo bandhigtay in loogu beddelo keydka shidaalka Berbera, waxana ay shirkaddani badka soo dhigtay inay Berbera ka dhigi doonto xarun ay shidaalka usoo doontaan inta badan dalalka geeska Afrika, isla-markaana ay carsiyeyn ku samayn doonto agabka shidaalka lagu keydiyo oo ah qaar aad u gaboobay.

Walaaca shirkadaha haatan maamula haamaha shidaalka Berbera, ayaa ah mid laga dareemayo magaalada Berbera, waxana ay haatan mashquul ku yihiin sidii sidii u diyaarsan lahaayeen is-taraatiijiyaddii ay kaga hortegi lahaayeen rabitaanka madaxtooyada ee la xidhiidha wareejinta haamaha shidaalka lagu keydiyo.

Heshiiskii ay hore xukuumaddu ugu wareejisay keydka haamaha shidaalka Berbera, ayaa dhigayey inay lacag dhan Lix milyan oo dollar iska bixiyaan, isla-markaana hagaajiyaan inta badan agabka shidaalka lagu keydiyo, balse waxa ay bixiyeen Saddex milyan oo dolllar oo ilaa haatan gashay gacanta xukuumadda.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews