Qoys Agoon ah oo Baaq Cabasho Dhul ah u Diray Madaxweyaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0
1

Hargeysa (Hubaal)- Qoys agoon ah oo lagu haysto goob dhul-beddel loo siiyey oo ku yaal degmada Maxamed Mooge ee caasimadda Hargeysa, ayaa farriin codsi ah u diray Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ay ka codsadeen in wax laga qabto sifo caddaalad-darro ah oo la doonayo in dhulkooda looga qaado.

 

“Waxaan u sheegayaa dawladda sharafta leh, Madaxweynaha leh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare leh, ee Wasiirka Caddaaladda leh, dulmiga la igula dhacay ee aan halkan ku soo bandhigayo, ee jaarkii ii taaggan yahay, ee dadkii la ila siiyey ii taagan yihiin, ee faylkaygii oo dhammaytiran u haysto, ee muddadii la i dajiyey dhulkaas danta guud ah aan degay la iga soo raray balloogayga NRC-da iskuulka ka dhistay uu Maayar Jiciir iga soo raray uu ee dhulka beddelka i keenay dhulkaas sifo sharci ah aan ku dagay oo caddayntiisuna u dhammaystiran tahay.

 

Dhulkan oo aan u sameystay sees qaddiim ah markii dawladda hoose ee Hargeysa ay na siiyey sannadkii 2010-kii ee sharcigaygii oo dhammaystiran aan u sameystay ee aan sannad walba cashuur ka bixinayey ee cid i haysata iyo cid igu haysata iyo cid igu qabsata marnaba aanan arag, ayaa muddada yar ee kooban waddadaas yar ee laamiga ah i hormartay, ayaa gabadhi seeskaas aad arkaysaan ee qadiimiga ah ka soo tallaabsatay ay ka jeexatay laba baloodh, markii jaarku ii soo sheegeen ee aan ugu imi aan ee aannu isla tagnay maxkamadda ee aan xaashi igula doodo sidan ee ay leedahay; ‘Maanta dhulkaas waxaasaan ku leeyahay.’ Anigana sharcigaygu ii dhammeystiran yahay, aan xaashi ka dhinayn, markii Waaxdu aragtay ay runta u sheegay ee ay ku tidhi; ‘Dhulkan waxba kuma helid, gabadhani [Kawsar Cabdi Cabdillaahi] sifo sharci ah ayey ku mulkiday.’

 

Sida ay sheegtay marwo Kawsar Cabdi Cabdillaahi, cidda dhulkan loo xukumay, ayaa nootaayo ay qoreen ku sheegay in aanay jirin wax dhul ah oo ay iyada ku haystaan, haddana ay la yaabtay cidda sifada sharci-darrada ah loogu xukumay goobta dhul-beddelka loo siiyey.

 

“Dhulkaas oo ilaa iyo maalintii dhul beddelka la iigu sameeyey mulkiyaddiisa qaatay aan cashuurtiisa bixinayey, ayaa haddana Gabadhaasi xukunkaas ka booday, ee ay haddana tagtay tii Dawladda Hoose, markii la baadhay sidii uu ahaa ee loo soo sheegay Dawladdii Hoosena halkeenii martay xukunkii Waaxda ee halkaas laga saaray. Intaas kumay hadhin ka booday oo tii Maxkamaddii Sare u ambiil-qaatay, haddana xukunkii halkii maray markii dhulkii la yimi, haddana halkeedii laga saaray ee haddana tidhi; ‘Wax dib-u-eegis la yidhaahdo ayaan doonayaa.’

 

Waxa markii dambi nagu dhacay xukun dib-u-eegis ah oo summaddiisu tahay Tix:MS/I/DB/18/2017 oo ka soo baxay Maxkamadda Sare, taariikhdu markii ay ahayd 26/4/2018, waxaanna xukunkaas soo saaray rag aanan filayn anigu oo qaar qoyskeeda yahay, ninka Cabdiraxmaan Xasan Nuur la yidhaahdo oo ninkeeda Abti rumma u ah iyo inan kale oo la yidhaahdo Cabdiqaadir Axmed Maxamuud iyo ninka la yidhaahdo Maxamed Faarax Siciid, labada nin ee kale ma cambaaraynayo, waxna kuma hayo, dhulkaygana may iman. Saddexda nin ee aniga ii badheedhay ee caddaalad-darrada iigu badheedhay ee dhulkayga dib-u-eegistaa ku xukumay waa saddexdaas nin,” ayey tidhi Kawsar Cabdi Cabdillaahi.

 

Waxayna intaas ku dartay; “Waanna Maxkamadda Sare, waxayna ii soo cuskadeen ninkii laga jaray danta guud ee dawladdu ka goosatay anigana dhul-beddelka la iigu siiyey oo la yidhaahdo Maxamed Fadal, oo dadka dhinac kasta iga xiga haysta, ayaa nootaayo u soo qoray, waxay yidhaahdeen; ‘Waxaad tidhaahdaa, markii aannu dhulka kala qeybsanaynay aniga dhulkayga lagama jarin.’ Xukunkaas dhan ee ay soo-saareen intaas raggaasi ku soo saareen; ‘Ina Fadal ayaa yidhi, dhulkaas aniga la igama jarin.’ Nin tuug ah oo maalin walba jeel ku jira, oo dhulkiisii laga gooyey, oo dhulkiisii madhiyey.

 

Raggaasi waxay xukunkaas u cuskadeen oo ay ku soo saareen dhulkaas, Dawlad Hoose iyo dawlad sare ayaa og, oo dhulkaasi waa wada dan guud, oo dhammaan kuwa igu xiga oo dhammi waa wada dan guud oo maalin ayaa nala wada siiyey, dhulkii la iga soo raray ee dhul beddelka la iigu sameeyey ee iskuulka laga dhisayna waxba igama foga oo wuu u muuqda.

 

Waayo, dhulkayga dhul beddelka la iigu sameeyey ee iskuulka laga dhisay dhakada kaga soo dhaceen oo gurigoodii noqotay, dadkan hadda dhulka igu haystaana waxa ay igu eeganayaan dumarnimada iyo agoonta aan haysto, aniga waa la ii badheedhay, saddexdaas garsoore ayaanna ii badhaadhay oo si cad oo aanay geedna iigu soo gabban, waxayna ii cuskadeen waa nootaayo uu nin kale qoray.

 

Haddaba, haddii dhulkayga shaki la galay oo ay tuhun ka galeen oo ay shakiyeen, ma waxay garan waayeen Dawladda Hoose caddayn keena ku dhaha dhulkan ciddii leh, ma dhul dad baa, mise waa dhul dan guud ah oo Dawladda Hoose ayaa bixisay? Anigu ma dhul dan guud ah ayaan oo dhul beddel la iigu sameeyey ayaan dagannahay mise dhul dad leeyahay?

 

Aniga dhulkan dhaxalna iguma soo galin, lacagna maan siisan ee dhulkaygii ayaa la iigu beddelay, sifo sharci ahna waan ku dagay, dawlad ayaa i keenay, waanay i dajisay, wixii lagu mulkiyey ayaan sameystay oo faylkaygii oo dhammaystiran ayaan sameystay, seeskayga oo dhammaystiran ayaan sameystay, sannad walba cashuur ayaan ka bixiyaa. Waayo, dadka oo dhammi halkaas ayuu dagan yahay ee loogu qabsan waayey, maxay seeskaygan qadiimiga ah u dumin waayeen?

 

Aniga waa la ii badheedhay, Madaxweynahana sharafta leh, Guddoomiyaha Makamadda Sare iyo Wasiirka Caddaaladdaba waxaan ka codsanayaa dhibaatadaas la igu sameeyey ee wax alla wax la ii cuskaday iyo wax caddayn ah midna aanay jirin ee la igu haysto ee la yidhi; ‘Nin ayaa soo qoray nootaayo.’ La igaga xukumay ninka yidhi, xaq ma’aha ee xaq-darro ayaa la igaga xukumay. Waxaan ka codsanayaa inay iga qabtaan oo si degdeg leh oo sharaf leh ay caddaalad-darradaas dhulkaygii dhul beddelka ahaa la igaga xukumay,” ayey tidhi Kawsar Cabdi Cabdillaahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here