Qoys Ay Kala Gaysay Colaaddii Itoobiya Iyo Eritrea Oo 16 Sanno Ka Dib Kulmay

0
1

Asmara (Hubaal) Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya Addisalem Hadigu ayaa markii ugu horreysay muddo 16 sano ah la kulmay labadiisa gabdhood.

Labadani gabdhood ee lagu kala magacaabo Asmera iyo Danait ayuu kula kulmay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Waxa uu suxufigani ka mid ahaa qoysas badan oo ay kala geeyeen 20 sano oo dagal iyo colaad u dhaxaysay dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya Addisalem Hadigu ayaa gabdhihiisa la kulmay waxa uuna ahaa kulan farxad iyo oohin isugu jira.

Waxa uu saxafigani qayb ka ahaa rakaabkii saarnaa diyaaradii ugu horreysay oo u kala gooshta magaalooyiinka casmara iyo Addis ababa.

Maalintii shalay ayay ahayd markii duulimaadkii ugu horeeyay oo ka tagay Addis ababa uu gaadhay magalada Casmara.

SHARE
Article horeEritrea Oo Ciidammadeeda “Kala Baxday” Xadka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here