“Quruxdu Maaha Timo Gacan Ku Samays Ah!”

0
1

Madaxweyne Yoweri Museveni oo Dhaliilay Gabadha Ku Guulaysatay Tartanka Quruxda Afrika

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa dhaliilay gabadha dhawaan ku guulaysatay in ay noqoto gabadha ugu quruxda badan Afrika, Quinn Abenakyo, ee kasoo jeedda dalkaas, asagoo ku dhaleeceeyey in ay xiran tahay timo tobol caaro ah oo Hindiya laga keenay.

Madaxweynaha oo hadalkaas ku qoray bartiisa twitter ayaa sheegay in boqoradda quruxda Afrika uu ku dhiirri galiyey in ” quruxdeeda ay u dayso sideeda dabiiciga ah, timaha Afrika”

Mar Afhayeenkiisa oo lagu magacaabo Don Wanyama la waydiiyey waxa Mr Museveni uu ula jeedo “Timaha Hindida”, ayaa waxa uu BBC-da u sheegay sidatan: “Bal eeg sawirka adigaa arki doona nooca ay yihiin timuhu”

” Waa timo aan dabiici ahayn oo tobol caaro ah, wuxuuna ula jeeday oo uu lahaa waa inay muujisaa timaheeda dabiiciga ah”

Dad badan oo adeegsada baraha bulshada ayaa difaacay dookha Miss Abenakyo iyo in ay timaheeda ka dhigato qaabka ayada farxad galinaya, waxaana si wayn looga falceliyey faallada madaxweyne Museveni ee ah “Timaha Hindida”

Afhayeenka madaxtooyada Mr Wanyama kama aanu hadlin in madaxweynuhu uu ka hadlayey tayada timaha iyo in uu hadalka ula jeeday dalka loo saariyey – Hindiya ayaa ah mid kamid ah dalalka ugu badan ee soo saara timaha aadanaha ee gacan ku samayska ah.

Miss Abenakyo, gabadha ku guulaysatay tartanka quruxda Afrika

Quinn Abenakyo ayaa BBC-da u sheegtay in ay madaxweynaha ku raacsan tahay ” in aan la iska soo qaadan waxyaabaha ay dunida reer galbeedku sameeyaan” Balse waxay intaas raacisay

” Qofna uma baahna in loo tilmaamo sida uu u labisanayo iyo waxa uu samaynayo. mar haddii aad ku qanacsan tahay waa intaas muhimaddu”

Miss Abenakyo ayaa sheegtay in ay tahay ” gabadha ugu farxadda badan caalamka” markii ay tartanka ku guulaysatayna waxaa la arkayey ayadoo muusoonaysa oo barbar taagan madaxweynaha.

SHARE
Article horeWariye Caan Ah Oo Loo Haysto Warbixinno Uu Ka Been Sheegay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here