“Quulloow Idaaa!!; Raggii Baanu U Kala Taag La’nahaye Haweenku Ma Dhib Bay Nagu Hayaan,,”

0
34

“reer Ceelafweyn innoomay tudhin ee dawladda waxaanu isku ognahay in Aynu Xanuujin, weligeedna markan oo kale Magta lagama tago oo xanuunkay ka mid tahay”- Guddoomiyaha Guurtida

Hargeysa (Hubaal) – “Waxaynu iskugu soo noqonay oo innoo furmay kalfadhigii 65aad ee golaha laba bilood oo fasax ahna waynu qaadanay oo waxaanan ku rejo weynnahay inaydin soo nasateen hawlo culusina waa innooyaallaan” sidaas waxaa yidhi guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. SAleebaan Maxamuud Aadan oo maalintii shalay shir guddoominayay furitaanka kal fadhigii 65ad ee golahaas, waxaanu intaas ku daray “hawlaha innoo yaalla waxaa  ugu horreeya Nabadgalyada, nabadgalyaduna maantadan aynu joogno wax aynu kaga cabano ma aragno, waxaana [dhibaato] innoogu dambaysay shaqaaqadii degmadaas Dararweyne Ee Ceel afweyn ka dhacday iyadiina hadda waa la kala fadhiyaa oo guurtidii iyo dawladdiiba waa ku maqan yihiin. Xilligan dawladdu odayaal iyo salaadiin badanna isku sii lakabtay  laakiin waanu kala soconnaa hawshuna waa mid oo illaa hadda si fiican bay u wada shaqaynayaan”. Halkaas marka uu guddoomiyuhu hadalkiisa marinayo ayaa mid kamid ah mudanayaasha goluhu hadal ku soo tuuray, waxaana guddoomiyaha oo diidan in xildhibaanku hadalka ka dhex galo uu ku tiraabay “Idaa Quulloow Dumar lahaanne, raggi baanu u kala taag la’nahay ee haweenku ma dhib bay nagu hayaan”. “Illaahay haynoo adkeeyo ayaynu leennahay nabad galyada, gacan adagna hadda waa lagu qabtay arrintaasi, dawladdana waxanau isku ognahay inaan qoobka laga qaadin labadaasi beellood oo qudhooda aad moodo inay hadda kala daaleen, waxase muhiim ah inaynu kala badbaadino,  reer Ceel afweynna innoomay tudhin ee innaguna Waa Aynu Xanuujin, markaas oo kalena weligii Magta lagama tago oo xanuunkay ka mid tahay ee iyadana waynu ka qaadi” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here