Rabbigu kugu hoy janada:Maaso abwaan C/kariim Ismaaciil Abiib ku Maamuusaayo Abwaanka Weyn Ee Soomaaliyeed Abwaan Hadraawi

0
22

Akhristayaasha Sharafta leh waxan maanta Halkan idiinka soo gudbinaynaa Maanso Mug iyo Miisaan culus leh oo abwaan C/kariim Ismaaciil Abiib ku Maamuusaayo Abwaanka Weyn Ee Soomaaliyeed Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi Maansadan oo uu isla markaana kaga waramaayo Taariikhda dheer uu leeyahay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo sidoo kale qiimaha iyo abaalka ay u Bulshadu hayso Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo runtii ah Shaqsi Qiimo iyo Qaayo Mug weyn ku leh Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Qaranka Somaliland

Hadaba Maansadan oo magaceedu yahay Rabbigu kugu hoy janada waxa ay ku bilaabmaysaa sidan Akhris Wacan Oo Xiiso leh

abwaanooHadraawi Hadraawi maanso

Rabba hibadeed ku saaray

Hirka hiray baad abaartay

Hayaanka tub dheer astaystay

Hadhaaga dhaxalka iyo aqoonta

Haldoorka taarikhdu sheegtay

Adaa u horeeya maahir

Intaan ku hubsaday diwaanka

Markaad hidinayso maanso

Tiiyo hufan oo habaysan

Haloosiga qaabkaad u tebiso

Naftayda hammum ku reebe

Hobaanta afkeed na siisay

Garaadka hantaan ilaawin

Tan iyo hanaqaad filkaagi

Markaad hinbiriirsi dhaaftay

Hoheeyda hoheeyda foofis

Maxaad hawd geel ku raacday

Maxaad haybad so xaraysay

Maxaad dhulka hobaantu taalo

u xirisay geel hor wayna

Markaad miyiga iyo heeryadisa

Intaad dhigtay haylihiisa

Watad haw ka tiri badwaynta

Watad Cadan haylo dhigatay

Halka ka bilawday barasho

Markad hadal ruugsan noqtay

Bulshadu ku huwiyeen nanaysta

Hadraawi lagugu yeedhay

Tubtaad waaga haleeshay

Murtida halac dhoominteda

Halka kala raacday jaraha

Hawraartiyo suganta miidhan

Badwayn huwuntaad abuurtay

Tixaha sida heego muuqday

Midiba mida ay hadhaysay

Hal aan ka haleelo mooye

Inaan tiriyaa habsaan leh

Intaad heeliyo mug waynta

Intaad gabay same hanaansan

Intaad geraaro hammuga

Intaad heer kastaba mulaaxda

Kor iyo hoos nogu sheegtay

Maxaad hawawaal aduunyo

Dadkaga haraati gaadhay

Dhibiyo haydaaro taartay

Boraan hadimo qarsoontay

Maxaad halis noga baaqday

Maxad cadawyada na hiishay

Hujuunka jahliyada na ciilay

Intaad hiil noga fidisay

Macalin u hub qatay noqotay

Dadkiisa hagar li gargaara

Ado ku hawshoon xaqiiqda

Xoriyatul qawlkana hagaaya

Humaaga qarson qalaaya

muxu xag jir nacab ku heeray

Kacaanku hogi ku galiyay

Halka kugu daayay waayo

Inaad hoorsatu filaaye

Markaad hansal qaadi wayday

Hawada dib u timi iftiinka

Intaad mudo hugunka daysay

Hareer iyo hoos ka eegtay

Wixi xumo laysku huurshay

Naftaadu ma haysan wayday

Hormuudka raggi talaabay

Hogaanka wataad u qabatay

Maxaad kolba kayn u hoyatay

Maxaad dogob meel ka hurisay

Maxaad heeso iyo gubaabo

La dhigan hubka culus misaanka

Ku toosisay ruux hurdaaya

Ku heertay faqash hugmaysa

Waxay hagaaya diwaankiyo

Hadhaaga dhaxalkiyo taarikhde

Dhufaysku marku higooday

Marku idin yidhi halgaadka

Halka ku yar jooga maanta

Wataad ku shirteen hortiisa

Goaan ku hesheen dhaqaaqa

Hudiyo ku jarteen gundhada

Burco iyo Hargaysaba la galay

Waana kii geesigu hujuunka

Dharaar kaga dhigay habeenka

Dadki guduhuna habhaabtay

Hubkiyo u qaatay weerka

Hareer ka galeen dagaalka

Waxay is hiigtaan cadaawe

Horaanti badhba huleelay

Badhki hadhay waa la didiyay

Xornimada geedkeda hawray

Intaan dhimanba haleeshay

Inti dhalataa u heestay

Hoobaanta bislaatay gurratay

Hooska gobonime na deeqay

Raggi u hibeeyay ruuxda

Adaa ka aha horseedka

Halka libin baad haleeshay

Halyaay magac laad ku noqotay

Waxaad hindista dhaboobay

Hal aad tidhi ba rummoobay

Waxaad tahay heegadiyo

Hilaac ifayoon dammayn

Hogol daaysaad tahoo

Haraadka kaski ka biisay

Hanki ummadaad tahoo

Huggi dhaqaankaad tahee

Rabbigu kugu hoy janada

Ifkana hodan dharagsano

Hadhuubku u buuxa oo

Hubsaystay ayaan ahaw

Ku hawshood duciyo khayr

Inta hadhay wakhtiga oo

Meel haboon ku mari wayne

Anigana hiigsiga dhankayga

Marlayba waa i hayaane

Hiraalka adigay astaysan

Intaan heegada u baxayo

Intaan hananaayo booska

Allaha hiliyee awoodaa

Haddiyo ajashaada baaji

Habeen dhalad baad taho

Aduunka libbaad ka hooysay

Dadka qiray haybadaada

Dadnima hoganaysa maanka

Alluhu hohob kaga yeelay

Hal aan ku masaalo iyo

Miyaan helaya masaalka

Waxaad mudan tee haboon

Rabbigu kugu hoy janada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here