“Ragga Maanta Cumaamadaha Saydhinaya Ee Ina Suldaan Hebel Iyo Ina Suldaan Hebel Ahow, Suldaankii Ku Dhalay Iyo Awoowgaa Samaan Bay Talin Jireene……”

0
48

Madaxweynaha Oo Si Adag Uga Hadlay Weedhahaa Xanafta Leh Ee Kasoo Yeedhay Qaar Kamid Ah Madax-Dhaqameedka Dalka, Bulshadana Ka Codsaday In Meel Looga Soo Wada Jeesto Shaqaaqada Darar-weyne

“Ragga maanta cumaamadaha saydhinaya ee ina Suldaan Hebel iyo ina suldaan hebel ahow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horreeyey iyo Awoowgaa samaan bay talin jireene dagaal may oogi jirin, hadal fidno lehna may tuuri jirin, saasayna sharaf ku lahaayeen, idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolla’ayeey waan dagaallamayaa iyo beel baan u qabanayaa shir salaadiin kuma noqonaysaane fidmo-wadeyaal baad noqonaysaan, waana codsi oo haddii suldaankiina dagaal iclaamiyo, kii yaraana qori la cararo waa waali, sidaasna ku socon mayno” Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here