Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Tacsi U Diray Soomaalida La Laayay

0
125

Itoobiya (Hubaal) Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero boolis dhexdeeda”.

Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Ra’iisul wasaaraha ma uusan sheegin tirade rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta.

Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah”, kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatada ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

In kastoo weli cabsi badan ay ka dhex jirto labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, hadana waxaa la geeyay ciidammo aad u badan meelaha ay rabshadaha ka dheceen.

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in markii dadkaas la laayay ka dib lagu riday meel god ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here