Ra’iisalwasaare Abiy Axmed Oo Sheegay In Itoobiya Iyo Soomaaliya ‘Hal Dal’ Laga Dhigayo

0
1

Hargeysa (Hubaal) Ra’iiselwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tegay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaadhay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaadhin, oohintu sow naguma filna, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab talaabbo aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnimo dhab ahba sidii aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay” ayuu yidhi Dr Abiy Axmed.

 

Dr Abiy oo sii hadlayay ayaa sidoo kale yidhi “waxaan ku heshiinnay wadahadalladi na dhexmaray arrimo raja badan na geliyey weeyaan, si ku meel gaadh ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran aan yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka mideyneyna inaan hal dal oo dhammeystiran aan iisu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aanay ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jira iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la isu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dekado badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira bandanna leh oo suuq weyna noqda”.

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha badda Soomaaliya maadaamaa Itoobiya ay bad la’aan tahay ayuu sheegay in aanay suurtogal ahayn in Soomaaliya badda intaas la’eg lahaado, Itoobiya aanay yeelan meel ay deked ka dhigato, “taa micnaheedu waa maxay? soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalintii inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maaliniti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulkii wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan nidhaa dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Xagga midnimada waxa uu tusaale usoo qaatay dalal adduunka ka mid ah sida Imaaraatka iyo Maraykanka, wuxuuna ka yidhi “waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragasho iney noqdaan hal dal oo mideysan sida Dubai, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ballaadhan ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan ku gorgortanno taa ayaan ku wada hadalnay”

Balse fikirka Dr Abiy waa uu ka balaadhanyahay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu qabaa falsafad ah in gobolka Geeska Afrika oo dhan la mideyn karo, lana gaadhsiin karo barwaaqo sooran, wuxuuna yidhi “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga inna dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.

Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba ka jawaabtay hadalka Dr Abiy, iyada oo wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Daahir Maxamuud Geelle uu sheegay in aanay arrintaasi waxba ka jirin, islamarkaasna ay wada hadleen labo dal oo kala madax banaan.

Balse Daahir ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay Itoobiya ka hesho biyaha macaan ee webiyada, loona baahanyahay in iskaashi la sameeyo.

Xigasho: BBC-somali

SHARE
Article horeWeftiigii Xukuumadda Oo Dardar Geliyay Xoojinta Midnimada Bulshada Gobolka Sool
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here