“Reer Muqdishoow raalli iga ahaada !!!” –

0
284

“Reer Muqdishoow raalli iga ahaada !!!” – W/Q: Cali-khadar XAsan Cismaan (Cali-kubbed)

Waxaan raali gelin buuxda siinayaa dadyowga walaalahayga ah ee reer Somaliya, gaar ahaan reer Muqdisho oo aan labo habeen ka hore aflagaado aanay mutaysan kula dul dhacay. Marka la eego da’dayda, aqoontayda, waayo-aragnimadayda iyo masuulnimadeydaba, may ahayn inaan u hadlo sidii cadhadha yo caadifiyadu ku jirtey ee aan walaalahyga reer Muqdisho kula dul kufay, waayo dhowr qof baa denbiga sameeyey, sidaas awgeedna looma nisbayn karo oo denbiga lama wada saari karo ummad dhan oo aan waxba galabsan (faulty deduction reasoning), markaas may ahaan mid anigoo kale laga filayey inuu sidaas oo kale u fekero. Haseyeeshee, Ilaahay uun baan khaldamin oo bani’Aadamku wuu khaldami karaa, laakiin qofka damiirka lahi khaladkiisa wuu ka soo noqdaa. Damiirkaygu (conscience) waxuu ii sheegay inaan khaldamay oo cadho iga hadlisay, oo aan dad badan oo walaalahay ah, haday tahay Islaamnimo ama Somalinimoba aan ku gefey. Haa, way jirtey inaan dareen hore ka lahaa dadyowga Muqdisho ku nool sida dilalkii foosha xumaa ee loo geystey xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi, Xildhibaan Saado Cali warsame, Mursal yare oo sida foosha xun ee loo dilay aynu wada ognahay, iyo tan iminka ugu danbeysey oo fal waxashnimo ah loo geystey qaar ka mid ah caruurtii iyo xaaskii Xasan Cabdirahmaan Cawed, oo isla markaas tan ugu danbeysey ay dareemadaydaas hore si khaladan usii xoojisey(confirmation bias). Waxaan markaas isweydiiyey, waar waa tan marka la xidho qof sida weriye Coldoon oo kale ah, ay reer Muqdisho canbaaraynayaan xaqdarada lagu xidhay qofkaase, maxay waayeelka Muqdisho haday yihiin culimada diinta ama madax-dhaqameedku ama siyaasiyiintu u canbaarayn waayeen dadkan reer Somaliland ee ay ku jiraan maatada iyo caruurtuba marka la dilayo ama la gumaadayo. Waa halkay cadhaydu ku arooreysey….. saxse may ahayn inaan sidaas u fekero.

Waxaanse garwaaqsaday inaad idiinkuba (reer Muqdisho) dulman tihiin oo dhibaataysan tihiin oo maalin walba dil, isku qarxin, iyo hadimooyin badani ay idinkaba idiin haystaan. Sidaas darteed, dad ay toodiiba cuslaysay inaan waxaanay awoodi karin ka fisho aanay ahayn daw iyo gar toona. Cadow badan baa idiin dul fadhiya, oo idinkaaba hiil u baahan si aad dhibtan uga baxdaan In’sha’Allahu.

Mar labaad aad baan uga xumahay inaan idiin ku idhi hadalo gef ah iyo cay qaawan oo aydaan geyin, oo aan ahayn tii laga filayey qof anigoo kale ah. Nin qabiil necebna ma ihi, hayeeshee waxa hadalkaygii loo turjuntey inaan Hawiye caayayo, Xaasha. Ilaahay waxaan idiin ka baryayaa inuu degalka Banaadir iyo Muqdishoba ka yeelo mid uu ku galado barwaaqo, nabad, iyo horuumarba. Ilaahay mushkiladan idiin haysata ha idiin ka dulqaado. Hadalkaygiina cadho ayaa iga keentay, ee xumaan yaanu idiin ku beerin (gaar ahaan dhalinyarow), waayo hadaad gun tihiina annaguna gun baanu nahay, haddii aad gob tihiina annaguna gob baanu nahay, oo waxii aad tihiinba waanu idiin la nahay. Aynu isa saamaxno walaaloyaal. Khayr baan idiinku ogahay In’sha’Allahu. Muqdisho Allahayow belaayada hareer mari. Ilaahayow Aamiin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here