HUBAALMEDIA.COM
Reer Oodweyne Oo Roog-Cas Iyo Taageero Ballaadhan Ku Qaabilay Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE + Daawo Sawirada
August 25, 2016 - Written by admin

“Xisbi Qolo Ahi Ma Jiro Mid Qolo Wax Ku Doonayaana Ma Jiro, Waayo Xeerkeenuna Ma Dhigayo, Caqliyadna Maaha Ee Waa In Aynu Ka Kornaa Oo Aynu Heer Qaran U Tartanaa.”

Oodwayne (Hubaal) – Dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ee Somaliland, ayaa taageero aad u ballaadhan oo aan loo kala hadhin iyo roog-cas ku qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.DSC_3250_017

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga iyo wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo booqasho ku tagay Gobolka Daad-madheedh maanta, ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka iyo tuulooyinka Ceel-same iyo Ceel-bilcille, iyadoo boqolaal dadweyne ah oo ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo lulaya calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE iyo caleemo-qoyan ay ku soo dhaweeyeen weftiga murrashax Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxay caddeeyeen sida ay u taageersan yihiin xisbal-xaakimka iyo xukuumaddiisa oo waxqabad miisaan leh u hirgalisay.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay u hoydeen habeenimadii u dambeeyey, kadib markii uu ka soo laabtay Gobollada Sool, Saraar iyo deegaamo ka mid ah Buuhoodle oo uu u tagay dardargelinta hawlaha diiwaangelinta, waxa socdaal ujeeddadiisu tahay qaabilaadda xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Oodweyne oo ku biiray xisbiga iyo xogogaal-u-noqoshada mashaariic dhammaaday iyo kuwo socda oo xukuumaddu hirgelisay ku gaadhay Gobolka Daad-madheedh, halkaas oo dadka ku nool rag, dumar da’ walba leh iyo masuuliyiinba aanay u kala hadhin soo dhawayntooda.

Soo dhawaynta weftiga oo miisaankeeda u wayni ahaa xarunta Gobolka ee Oodweyne oo boqolaal shacab ahi kaga hortageen duleedka bari ee magaalada kadib waxa weftiga loo galbiyey gudaha magaalada oo loogu diyaariyey goob fagaare ah oo si bilicsan loo sameeyey, halkaas oo la dhigay roog-cas oo labada dhinacna lagaga meegaaray calanka xisbiga KULMIYE oo si gaar ah loogu dhigay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi.DSC_3250_022

Maayarka degmada Oodweyne Md. Cabdixakiim Nuur Muuse oo isaga afar xildhibaan oo kale ay halkaasi kaga dhawaaqeen inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga KULMIYE, ayaa reer Oodweyne uga mahadceliyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen madaxda xisbal-xaakimka iyo xukuumadda.

“Reer Oodweynow baahideenna u wayni waxay ahayd biyaha, waxay ballanteenu hore waxay u ahayd in ciddii biyo inoo keenta aynu wada raacno, haddaba halkan waxaan ka caddaynayaa Guddoomiye waad ka soo baxday ballantii aad maalintii hore ee aad noo timi noo qaaday ee biyaha ahayd, markaa aniga iyo reer Oodweynaba waxaannu ku leenahay waxaannu nahay KULMIYE weliba mid dhab ah,” ayuu yidhi Maayarka Oodweyne.

Chief Caaqil Cumar Xuseen, Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi, Caaqil Muuse Quulle iyo ganacsade Daahir Geeljire iyo xubnaha xildhibaannada deegaanka ee ku biiray KULMIYE oo khudbado ka jeediyey madashaasi, ayaa si cad u sheegay inay taageero buuxda ay u hayaan xisbiga iyo murrashaxiisa madaxtinimada oo ay ku tilmaameen qof keliya ee ay u arkaan in lagu aamini karo hoggaaminta Qaranka.

“Guddoomiyaha KULMIYE waxaannu leenahay Muusow abti baanu kuu nahay, halkanina waa gobolkii abtiyaashaa, waxaannu kuu sheegaynaa innamada aannu abtiga u nahay waanu jecelnahay, waa halkii aannu ka caleemo-saarnay Ina Cigaal, adiguna maanta ha naga baqan ee soo dhawaw.” Sidaas waxa yidhi Caaqil Cabdixakiim Cabdillaahi.

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Md. Farxaan Xasan Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Deegaanka – Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiiru-dawlaha Wasaaradaha Macdanta Md. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil iyo Wasiir-ku-xigeennada Gaashaandhigga iyo Warshadaha – Maxamuud Warsame Jaamac iyo Yuusuf Cismaan Garas iyo weliba Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna ka mahadceliyey soo dhawaynta bulshada gobolku ku qaabishay weftiga xisbiga KULMIYE, waxaanay uga warrameen horumarka iyo waxqabadyada adeegyada muhiimka ah ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka, kuwa socda iyo inta qorshaha dhaw ku jirtaba, sidaasi darteedna waxa kula taliyeen dadweynaha inay qiimeeyaan oo ay ku kala doortaan xisbiyada siyaasadda waxqabadka.

Dhinaca kale, waxa halkaasi khudbado ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) iyo weliba Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaanay si dareen farxadeed ku jirto uga mahadceliyeen soo dhawaynta wayn iyo taageerada qalbi-furnaantu ku dheehantahay ee ay u sameeyeen reer Daad-madheedh.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ku soo xidhay oo xafladdaasi, ayaa si aad uga mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey ee ka sakow isu-soo-baxa shacabka ay ku ladhnaayeen roogga-cas ee loo dhigay, Caano Geel, Salool iyo casuumad cunto ballaadhan oo lagu sooryeeyay iyo hablo xidhan dharka subeeciyadda oo qaabilay.

Md. Muuse Biixi waxa kaloo uu ka hadlay wada lahaanshaha Qaranka Somaliland iyo sida aannu u saamaynayn tartanka ka dhexeeya xisbiyada siyaasadda dalka, waxaannu yidhi, “Dawladnimada iyo tartanka labada Qarankaa wada leh oo dastuurkaa dhigaya, marka la tartamayo waxaynu nahay walaalo tartamaya, xisbiyaduna waa wada xisbiyo Qaran oo nin waliba waxa uu dadka soo hordhigayaa waxaasaan qabanayaa oo hebel waxaasaan kaga duwannahay oo qaranka anigaa u qabanayaa, xisbi qolo ahi ma jiro mid qolo wax ku doonayaana ma jiro, waayo xeerkeenuna ma dhigayo, caqliyadna maaha ee waa in aynu ka kornaa oo aynu heer qaran u tartanaa. Markaa waan raacsanahay in xisbiyada Qaranku cid walba u sharraxan yihiin oo magaalooyinka iyo dalka u siman yihiin oo midna aannu qolo ahayn ee dhammaan reer Somaliland uu wada yahay oo bari iyo galbeed xisbiyadu u siman yihiin. Arrinta labaad, marka la tartamo dawladda dhisantaa dadku wada leeyihiin oo way u wada dhaxaysaa, markay saddexda xisbi tartamaan mid baa soo baxaya oo dawladda noqonaya, dadka oo dhami xisbigaa umay codayn ee qayb baa u codaysay, laakiin markay labada kale ku raacaan ayey dawlad xalaal oo sharci ah noqonaysaa, kadibna waa la wada yeeshay ileyn codkii xisbigii guulaystay iyo labadii kale ayaa la isku darayaaye sidaas ayeynu qaranka ku wada yeelanay.”

“Sidaas darteed, lama siyaasadayn karo adeegyada daruuriga ah ee dadku wada leeyahay sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, ammaanka, booliska iyo wixii la mid ahi ma gali karaan siyaasad ee qof waliba xaq buu u leeyahay, qaranka ayaanay ka dhexeeyaan ee xisbi xisbi kuma xidhna, laakiin xisbiyadu waxay kala leeyihiin anigu fikirka iyo aragtida oo ay ku kala doodaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.DSC_3250_013 DSC_3250_014 DSC_3250_015 DSC_3250_016 DSC_3250_017 DSC_3250_023 DSC_3250_026 DSC_3250_027 DSC_3250_028 DSC_3250_030 DSC_3250_031 DSC_3250_032 DSC_3250_033 DSC_3250_034 DSC_3250_035 DSC_3250_036 DSC_3250_037 DSC_3250_038

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews