Reysal-wasaaraha Xamar Oo Garoowe U Tegey Fulinta Qorshe Ay QATAR Iyo TURIGU Kula Wareegayaan Xeryaha Ciidanka

0
1

Qorshahaa oo  Maamulka Garoowe Hore U Saluugsanaa Saamiga Laga Siiyey Ayaa Ka Mid Ahaa Arrimihii Lagu Xalliyey Shirkii Beydhabo Ka Dhacay

Labadan Dawladood ayaa Loollan Kula Jira xulufada Khaliijka ee Sucuudiga & Imaaraadka Hoggaaminayo ee Ku Hirdamaya mandaqada Geeska Afrika Iyo geyiga Soomaalida

Garoowe (Hubaal)-Ra’iisal Wasaaraha   Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa shalay ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee xarunta maamul Gobaleedka Soomaaliya ee Puntland.  Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre kaasii u qornaa sidan:- “Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta [shalay] ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee xarunta maaamul Gobaleedka Puntland, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho maalma qaadaneysa oo uu ku marayo magaalooyinka iyo deegaannada Puntland. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku-xigeenkiisa xubno kamid ah baarlamaanka iyo golaha wasiirrada Puntiland iyo kummannaan bulshada qaybaheeda kala duwan ka socda ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe, waxaana intaa kadib Ra’iisal wasaaraha iyo wefdiga la socday loo galbiyay barxadda Garoowe oo uu kula hadlay kummannaan ruux oo isugu soo baxay soo dhawayntiisa.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda iyo bulshada dawlad gobaleedka Puntland ayaa uga mahad-celiyay soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyay isaga oo ku ammaanay doorka wanaagsan ee ay ku leeyihiin nabadeynta, midaynta iyo horumarinta deegaanka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa maalmaha uu ku suganyahay Puntland waxa uu ka qayb gelayaa Munaasabadda 20 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska maamulka Puntland, isaga oo kulamo la qaadanaya madaxda Puntland iyo bulshada qaybaheeda kala duwan” ayaa lagu qoraal saxaafadeedka kasoo baxayXafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho. Dhinaca kale Warar dheeraad ah oo Wargeyska HUBAAL Kasoo Xigtay shebekadda Araweelo News Network oo iyadu wax ka qortay ujeedada safarka raysal-wasaare Kheyre ku joogo Magaallada Garoowe ayaa intaa ku daray in   Ra’iisal Wasaare Khayre wado qorshe la doonayo in Ciidamadda dhowaan dawladda Turkigu u tababartay Soomaaliya la geeyo Garoowe, iyadoo malayshiyaadka ku sugan Garoowe lagu xeraynayo xeryo tababar oo dawladdaha Turkiga iyo Qadar hawshooda la wareegayaan.

Qorshahaa oo qayb ka ah tababaradii dhanka ciidamadda ee dawladda Turkigu hore uga waday Soomaaliya oo xiligan lagu  ballaadhinayo maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo hore uga caga jiiday in ay keenaan Saamiyada laga siiyay, balse shirkii dhowaan ka dhacay Baydhabo ee lagaga hadlayay Arrimaha amniga oo ka wada qaybgaleen maamul goboleedyada Soomaaliya, ayaa lagu heshiiyay in la dhamaystiro malayshiyaadka laga doonayay maamul giboleed walba si dawladda Turkigu u sii wado qorshaha ay ku doonayay in Soomaaliya loo sameeyo ciidamo, taas oo xiligan dawladda Turkiga ay ku weheliso dawladda Qadar oo labadooduba kasoo horjeedaa xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ku loolamaya  mandaqada Geeska Afrika Iyo geyiga Soomaalida.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here