RUQSAD KALA NOQOSHADII TOTAL IYO TAN TELESOM WAA ISKU MID Qalinkii: Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil

0
117

RUQSAD KALA NOQOSHADII TOTAL IYO TAN TELESOM WAA ISKU MID
Qalinkii: Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbii

BAL AAN DHOWRNO WAAYAHA

.
————————————

(Muhiimadu waa halka qaranka looga adeegayo in ay umadu u sinaato oo aan cid gaar ahi qalinka qaranka ku shaqeysan)

(Talada aan la ruugin, waa lagu raafaadaa)

Ninka siyaasiga ahi waxa uu awood u leeyahay in uu dan gaara kaaga dhigo dan qaran isaga oo kaaga faaiideysanaya duruufaha markaa taagan oo ay weheliyaan tabasho iyo dareen umada ku sii jirey oo uu la eegto fursad caadifadu cirkaa marayso iyo inaga oo u dhalanay umad aan xisaabtamin oo aan taariikhdu hagin, ileyn waa in aad garan kartaa maxaa kuu soo kordhay maxaase kaa dhacay oo aad qiyaas qaadataa mudadii 10kii sano ee ugu dambeeyay ama 15sano ee la soo dhaafay qaran ahaan.

Qiima dhaca lacagteena iyo sicir-bararku waa mid soo bilaabmay 1996 ilaa maantana taagan oo aynu marayno 2017 walow marxaladaha dalku soo Maray is dhaameen oo ay hada ugu daran tahay uguna adag tahay noloshii dadku, hadaba xaqiiqda marka aan laga waabanayn qiima dhaca lacagta iyo sixir-bararku way ka horeeyeen adeegyada Edahab iyo Zaad oo inbadan ayey soo jiitamaysay arintaasi waxaana sababta ugu weyn lahaa dawladihii dalka u Kala dambeeyay oo si aan cilmiyeysnayn baahina ku salaysnayn usoo daabacayey lacagta somaliland.

Marka aan sidaa leeyahay ha u fahmin in aan anigu shirkadaha TELESOM,DAHABSHIIL iyo ganacsatada garab siinayo ama ku gargaarayo in ay umada sii dhiig miirtaan laakiin waxa ii muuqata in arinkaasi oo hoosta kuwato Dano gaara oo aaney ka madhneyn in fursad la isla eeganayo qorshaysnayd oo la inoo tusayo danteena marka aad eegto degdega ku jira iyo iyada oo aan waxba si cilmiyeysan oo daraasadaysan loo eegin loogana baaraan degin laakiin aynu garan doono maalin aan maanta ahayn marka ay nolosheenu isla halkii meel ka Adag istaagto ileyn xalkii rasmiga ahaa intan imika la sameeyay maahee.

Waxaana marag ma doon ah in qorshe kasta oo aynu ku soo dhaweynay ka bulsho ahaan in uu dalkeena saameyn togan oo dhaqaale iyo horumar u keenayo oo ay dawladeenu inoo soo bandhigtay hadana hoosta ay kaga lifaaqan tahay dano gaara iyo naas nuujin cidkale, waxaana aynu ognahay oo ka dharagsanahay in dantii guud iyo waxii dawladu maamuli jirtay oo dhan ay la wareegayaan shirkado gaar loo leeyahay midwalbana lala eeganayo jaanis ay dadku caadifadaysan yihiin dhibaato dhaqaale daro na taagan tahay.

Waxa tusaale lama ilaawaan ah ii ah aniga wakhtigii xisbiga kulmiye ku jirey kaambaynkii doorashada madaxtooyada ayaa waxa ay aad uga hadli jireen in cid gaara loo xidhay shidaalka dalka (TOTAL) Hadii total laga saaro meesha aynu helayno shidaal jaban oo nolosha saameyn togan ku yeelan doona, maxaa xigey TOTAL meeshii waa laga saaray, waxba ismey badelin oo halkeedii ayuunbay taagnayd noloshii iyo qiimihii shidaalku, Aakhirkiina halkii loo dan lahaa iyo in cid gaara dib loogu xidho ayaa timid.

•Anigu xalka sicir bararka iyo qiima dhaca lacagteena ku dhacay waxa kaliya ee daawo rasmiya u ah in dalka aan waxba lagu kala iibsan lacag aan ahayn ta qaranka somaliland, Baanka dhexe ee dalkuna sarifo lacagta Adag iyo cidii uu ruqsad u siiyaa, waana in uu awood u leeyahay in uu ka warqabo lacagaha dalka dhex wareegaya tiradeeda iyo ta dibada ka timaadaba, ee maaha in laga dayo xalka ZAAD iyo EDAHAB oo kaliya oo ay horteed lacagteenu qiima dhacday.

Isku soo wada duuboo xalkii sicir-bararku iima muuqdo waana aynu eegi halka go’aanadaasi ku dambeeyaan iyo waxa ay badelaanba insha Allah hadii aynu noolaano.

Qalinkii: Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here