S.B.I Waa Shirkad Kor U Qaaday Sumcada Somaliland. W/Q :BURAALE JAMA ESSA

0
1

S.B.I Waa Shirkad Kor U Qaaday Sumcada Somaliland.
W/Q :BURAALE JAMA ESSA

Shirkada coca cola (S.B.I) oo la furay sanadku markuu ahaa 22 may 2012 ayaa waxa gacantiisa ku furay madaxweynaha Somaliland mudane ahmed maxamed maxamuud siilaanyo waxaana maalgashay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaa Axmed Cisman Geele

Shirkadan ayaa noqotay mid wax wayn ka tartay dhaqaalihii dalka korna u qaaday baahidii dalka iyo dadka taasoo dadkana tustay in waxwalba la soo saari karo taas oo tusaale u ah cidkasta oo rabta inay wax soo saarto waxaanay soo saarta sharaabo kala duwan sida Coca cola, Sprite ,Fanta iyo qaar kaloo badan iyo waliba iyadoo soo saarto 320m iyo nooca ka waynba labada..

Shirkada SBI ayaa si heer saraa uga qayb qaadatay shaqo abuurka dalka somaliland halkaas oo ay ka shaqeeyaan dhalinyaro wiilal iyo habloba kuwaas oo kor u qaaday nolol dad badan oo ku tiirsanaa

………Ku darrso ogaalkoo shaqo abuurkaa ay samaysay shirkada SBI waa shaqo abuurkii dawlada looga baahnaa inay dhalin yarada jamacadaha ka soo baxay u samayso

Shirkadan SBI ayaa waxay magac u soo jiiday dhamaan umada Somaliland iyadoo inaga dhigtay wadan leh wax soo saar.

Shirkadan ayaa markii la soo saarayay aad looga fikiray waxaana ku baxay aqoon iyo maskax waana ay ka muuqataa dhamaan aqoontaasi oo maxaa yeelay maanta waxaad dalka ku arkaysaa ganacsiyo isku wada mid ah
Halka shirkadani markasta soo saarto wax ka gedisan ganacsiyada dalka sida MILGO DIGITAL, COCO,COLA IYO CAANO LIS iyo shirkada cayayaanka buufisa BEST KILL iyo shirkadii hore ee duulimaadyada yar-yar ee u kala gooshi jirtay Somaliland gudaheeda
HADAB
Waxa dhamaantood mulkiyadeeda lahaa ganacsade Axmed Cisman Geele

Mulkiilaha dhaman shirkadahaasi waxuu kaalin muhima kaga jiraa dadka ugu mudan somaliland waayo wuxuu ka qayb qaatay
Shaqaalaysiinta, Horumarka dalka iyo dadka, iyo ku dhiiri galiyo ganacsatada inay dalkooda maal gashadaan
Walibana isagoo markasta ku han-wayn inuu dalka maalgashado

GABO GABO
Dhamaan Mulkiilaha shirkadahaasi wuxuu daboolay baahiyo badan oo dalka ka jirtay oo xikuumadihii hore u soo mar marna aanay isku dayin inay marna daboolan
HADABA
Muwaadinaka dalka hantidiisa u huray ee maal-gashaday maanta shicibka somaliland ka mudan yahay inay dhinac istaagan xaalad kasta oo la gudboonaata

W/Q :BURAALE JAMA ESSA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here