HUBAALMEDIA.COM
Saamayn Intee Le’eg Ayaa Ka Maqnaanshihii Samaalle Ku Yeellan Doontaa Isbahaysigii KULMIYE Ee Ku Biiray WADDANI?
October 5, 2016 - Written by Editor-in-chief Hassan-Keefkeef

Male Rag Waa Mudacyo Afkoode waxaan kulanadii iyo Shir doceedyadii u socday Hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani iyo Siyaasiyiintii Garabka Isbahaysiga Dimuquraadiyad Doonka ee Kulmiye   ka maqnaa Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdi Casiis Samaale iyo Xilldhibaan Axmad Cabdi Kijaandhe oo ka mid ahaa Murashixiintii Madaxwaynaha ee gilgilay Garabkii Kale ee Kasoo Horjeeday Gudoomiyena Uu U Ahaa Gudoomiye Muuse Biixi inagoo Qormadan ku eegi doona Miisaanka Siyaasadeed ee uu kala hadhay Wasiirkii hore ee Maaliyadu Cabdi Casiis Samaale Saaxiibadiisii ay ku wada jireen Garabka Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka ah ee xisbiga Kulmiye oo la filayo in Maalinta Axada ee Todobaadka danbe ay ku biiraan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani. Labada Siyaasi ee Cabdi Casiis Samaale Xilldhibaan Axmad Cabdi Kinjaadhi ayaa ah Laba ka mid ah Murashaxiintii Madaxwaynaha ee Sadexda ahayd ee garabka isbahaysiga dimuquraadiyad doonka , halka Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Maxamad Biixi Yoonis uu yahay Murashaxa Madaxwayne oo isagu maanta ka mida Siyaasiyiinta ku biiraya Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani. Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdi Casiis Muxumad Samaale ayaa ah Siyaasi Codsan oo Miisaan culus ku leh Saaxada Siyaasada tan iyo markii la Aas aasay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Balse Waxaad Mooda in  dhankiisa Dhaxan badan ka hayso Siyaasiyiinta Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka ee Kulmiye.

 Sidoo kale Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdi Casiis Muxumad Samaale ayaa ah Siyaasi saamayn balaadhan ku leh kalsooni buuxda ka kasbaday Deegaanada uu ka soo jeedo iyo guud ahaan gayiga Somaliland. Halka dadka Saaxada Siyaasada sida joogtada ula socdaa ku tilmaameen ka maqnaanshaha Wasiirkii hore ee Maaliyada  ka maqan yahay Garabkii Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka kaga hadhay ay tahay waax ka go’oday Saaxiibadii .

Dhanka kale Mr Samaale oo isagu wali si toosa uga hadal ujeedada uu uga hadhay saaxiibadii iyo halka uu usalka U dhigidoono siyaasadiisa ayaa dadka ku dhow dhow waxay tilmaameen samaale in aanu ka baxay xisbigiisa kulmiye kaasi oo ay ku sababeeyeen in juhdi badan iyo tacab ka galay awgii aanu xiligan xisbi kale oo uu ka noqdo xubin cusub uu ka door bidayo ka mid ahaanshaha xisbiga uu aas aaskiisa lahaa ee kulmiye. Wallow aan wali si dhab ah aan loo hayn qorshayaashiisa siyaasadeed ee xiligan

Ugu danbayn Dadka Saaxada Siyaasada sida joogtada ula socdaa waxay ka marag kacayaan in Garabka Isbahaysiga Dimuquraadiyad doonka Kulmiye ay tabi doonaan Kaalintiisa

Hadaba Siyaasigan Hawlkarka Ah Ayaa  Bulshadu Aad Isu Waydiinaysaa Halka uu Mustaqbalkiisa Siyaasadeed Kasoo Mudh bixi Doono, Maadaama aanu Ilaa Hadda Jirin war Rasmi Ah Oo Kasoo Baxay Xisbigiisii Kulmiye ee Xurgufta Siyaasadeed Kala Irdhaysay, Marka Laga Tagi-Waayo Warar aan ilaa hadda la xaqiijin oo Sheegayey In C/casiis Maxamed Samaale Wasiirkii Hore Maaliyada Somaliland iyo Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse biixi in ay yeesheen Kulan fadhi ah oo ay isku laab xaadhanayeen, sidaadarteedna Siyaasi C/samaale uu kagaga sii Mid ahaanayo Xisbigiisii Kulmiye.

Isku Soo Duuduuboo Waxaa Laga Dhursugayaa Siyaasigan U Bislaaday Saaxada Siyaasada Iyo Halka Uu ka Degidoono, Kuna furidoono Hankii iyo Himiladii Dheerayd  ee Uu Hamiga Uu Ugu Jiray Inuu Maruun horseed u noqdo  Hogaanka Shacabka Somaliland Oo Badiba U hanqal taagay Siyaasigan Qunyar socodka Ah.

Wariye  Farxaan Maxamed Barkhad

maxresdefault

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews