HUBAALMEDIA.COM
Saamayn Intee Le’eg Ayay Ku Yeelan Kartaa Muuse Biixi Qaadhaanka Saddex Maayar U Ballan Qaadeen?
September 28, 2016 - Written by Mustafe Faro

Qalinkii: Aaden Deeq

Run ahaantii hantidaa aay balan qaadeen sadexda maayar waa arin aad u culus. Waxaana aad loogu hadal hayaa baraha Facebook ee “social network”. Waxaana la odhan karaa ee bartaa inooga muuqata waa bisayl la’aan siyaasadeed iyo mid shakhsiyadeed. Markaan ka hadlo bisayl la’ aanta siyasadeed;

Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

Photo file Guddoomiyaha Xisbiga talada Dalka Haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi

1- Sadexda Maayar marka aynu u noqono shakhsiyan ma aha maal qabeeno. Somaliland ummaddu aad ayay isu taqanaa oo wax inoo kala qarsooni ma jiraan, qoys, qooysna waynu isu naqaana. Sadexda Maayar intii aanay noqonin amaba hananin jagooyinka aay hayaan hada waxa aaynu ka wada dheregsanahay inaanay ahayn amaba awoodi karin ineey jeeb kooda ka dhiibaan hantida aay carabaabeen balan qaadeena, aan ka ahayn in laga saaro khasnadaha maamulkooda umadu u igmatay.

2- Qaladka kale ee aay ku dhaceen ayaa ah in xiise qaaday awgeed in xiisahaasi dhaafiyay ineey ka fakaraan waxa iyaga kaga iman kara marka laga tago dhibaatada aay Xisbiga usoo jiidayaan iyo sida aay u wiiqi karto Musharaxa Xisbiga Kulmiye. Ma aay garan in siyaasadu u baahanyahay is tartiibin badan iyo inaad waxyaabo badan lagu fuliyo siriyan oo ah qaadhaanka aay musharaxa ugu deeqayaan uu noqdo mid iyaga u gaar ah oo aanay lahayn in cid kale ogaato oo aan fagaare aayna kaga dhawaaqin maadaamo umada aay xil u hayaan lagula xisaabtamaayo.

3- Shakhsiyan markaan usoo noqdo Musharaxa Kulmiye ee qaadhankan loo uruurinaayay ayaa ku beegmay wakhti aay doorashadii fooda inaguba soo hayso oo ah wakhti daayacii la iska ilaalin jiray in qalad la galo. Iyo wakhti aay umadu dhamaantood heegan aay ku jirto waxa kaliyee mideeyaana yahay wax yaabaha aay wadaagaan ee umadu leedahay. Waxaa kaloo jira in siyaasadii Somaliland aay wax badani iska bedeleen, taaso ah in bulshadu aay yeesheen bar wadaag kulmiya oo wax yaabaha dalka ka jira iyo siyaasada aay ku falanqeeyaan bartaas oo ah “Social network, Facebook & Twitter” oo ilaa xalay aad loogu qaadaa dhigaayay.

Sadexdaa qodob hadii aan ka gudbo waxaa dhalinyaradii dalka iyo dibadu la yaabeen waxa Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye ee Cashuurtii umada loogu qaadhaamay is bedelka laga filan karo hadii maantaba hantidii umada loogu deeqaayo. Waxa kaloo iyana isweydiin leh Muuse Biixi miyay u ololaynayaan sadex Maayar mise weey ka ololaynayaan oo waa ” Political suicide “? Laakiin waxaa su’aashaas meesha ka saaraysa Muuse Biixi waa joogay goobtaa Maayaradu ugu balan qaadeen lacagtaa iyada ah. Hadaba waxaa is weydiin mudan toloow miyaanay jirin amaba aanu lahayn musharaxu la taliyeyaal dhanka siyaasada ah amaba “Campaign Manager” wata team wax la qaada dhiga kana sii fakara amaba wada tashi badan lasii yeesha Musharaxa iyo Team ka kambaynka qaabilsan oo aay ahayd in ka hor inta aanu Musharaxu goobta loogu deeqaayay Laguna uruurinaayay qaadhaanka in aay isa sii waydiyaan “Analysis” badan aay sameeyaan kaaso ah ” the pro and con’s “. Intaa midina may dhicin waxaana dhaliishaas leh inta ku xeegaaran oo aay ahayd shaqadooda.

Waxaan hadalkayga kusoo koobaya in Xisbiga Kulmiye dacwadii kala qaadista labada Doorasho ee maalmihii inasoo dhaafay u taageero badan ku helay arintaas oo XISBIGA WADANI waxyeelo wayn u gaysatay marka aan eego faalooyinkii BULSHADA kasoo baxay, laakiin hada Qaadhaankan Maayaradu ku deeqeen ayaabad moodaa in Xisbiga Wadani aay dhibcihii kaga lumay kiiskii maxkamada in arintani kor aay usoo kaabayso oo hada Wadani ka dhibco sareeyo Kulmiye.

Aden Deeq

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews