Saamiyada Maal-gashadayaasha Dekedda Berbera oo shaaca laga qaaday

0
30

Somaliland, Ethiopia iyo DP World siday u arkaan Saamiyada ay ku leeyihiin Maal-gelinta Dekedda Berbera..Warsaxaafaddeed

Saamiyada Maal-gashadeyaasha Dekeda Berbera, ayaa si rasmiya loogaga dhawaaqay Magaalada Dubai oo kulan saddex geesooda ay ku yeesheen wufuud ka socda Dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World.

kulanka waxa laga soo saaray warsaxaafaddeed ay soo wada saareen masuuliyiin ka kala socda dhinacyada Mashruucan ku wada jira.

Saamiga Maal-gelinta, ayaa 51%, waxa leh Shirkadda DP World. Somaliland ayaa leh 30%, halka Dawladda Itoobiya ay leedahay 19%, waxaana sidaas lagu sheegay Warsaxaafaddeedka ka soo baxay wufuuda ka socda dhinacyada.

Warsaxaafaddeedka oo ku qornaa Luuqada Ingiriisiga ayaa waxa ay dhinacyadu ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin hir-gelinta Mashruuca Maal-gashi ee soconaya 30 sannadood, kaasoo ay ku tilmaameen mid muhiim u ah horumarka dhaqaale iyo iskaashi ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Heshiiska oo ah mid dhinacyo badan laga eegayo, ayaa waxa uu wajigiisii hore hadda ka socda Marsada Magaalada Berbera, taasoo sanadkii hore maamulka adeegyadeeda lagu wareejiyey Shirkadda DP World oo ah maal-gashadaha ugu weyn ee Mashruucan.

Dawladda Somaliland, ayaa sheegtay in ka sekow Maal-gelinta Dekedda ay Shirkaddu mashaariic horumarineed oo muhiima ka fulin doonto dalka, kuwaasoo u badan kuwo lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah iyo kaabeyaasha Bulshada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here