Saaxiibtinimada Somaliland & Itoobiya Waa Mid Aan Safaad Gelin!

0
1

Faallo: Cumar Maxamed Faarax

Socdaalka labada maalmood qaatay ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Itoobiya,  wuxuu tumaati ku yahay Xukuumadda Muqdisho oo  sannad iyo dheeraadkii la soo dhaafay isku maaweelin jirtay inay Somaliland ka soo owday albaabadii Itoobiya ee hore ugu furnaan jiray, kaasi oo muddo dheer kaar siyaasadeed ku hayey  Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa booqashada madaxweyne Muuse Biixi  soo afjartay fadhi ku dirirka Somaliland oo ka deyrin jiray xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay Itoobiya, oo ay ku doodi jireen inuu gaabis galay muddadii uu xilka loo doortay Abiy Axmed oo ay qabeen inuu u janjeedhsaday dhinaca Soomaaliya, taasi oo  ahayn mid xaqiiqo ku sallaysan. Booqashada Madaxweyne Biixi ku tagay Addisa-ababa,  waxay ka dhalatay martiqaad rasmi ah oo Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed uu fidiyey Madaxweynaha Somaliland oo uu  ka dhexeeyo cilaaqaad soo jireen ah iyo xidhiidh saaxiibtinimo oo gaamuray, kaasi oo ku siman labada dawladood iyo labada shacab.

Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed wuxuu  Arbacadii toddobaadkii hore la kulmay Madaxweyne Muuse Cabdi iyo weftigiisa oo ay wadahadal dheer ku naaqisheen masaalixda labada dal.

Warbixinta Warbaahinta  Fana dalka  Itoobiya  daabacday ayaa  suuraynaysa   iskaashiga jiridaystay ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay tidhi “Waxay labada dhinac ee  Somaliland iyo Itoobiya falanqeeyeen Qodobbo badan oo ay ka mid yihiin inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda labada ummadood, iyo nolosha ay ku nool yihiin Itoobiyaanka degan Somaliland iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen  Arrimaha Nabadgelyada iyo Ammaanka.”

Waxa kaloo idaacadda Fana intaas ku daray “Waxay isla soo qaadeen qodobbo  ku saabsan heshiisyadii ay wada galeen labada dhinac [Somaliland iyo Itoobiya] iyo cilaaqaadkooda  mustaqbalka.”

Sidoo kale, waxay Faana werisay in labada Hoggaamiye ka wada hadleen ka faa’iidaysiga dekedaha iyo qoddobo oo ku wajahan xidhiidhka ganacsi ee  Somaliland iyo Itoobiya.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland Arbacadii Madaarka caalamiga ah ee Bole  ku qaabilay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha dibadda dalkaas Hirut Zemene, iyadoo aad loo muuneeyey hab-maamuuskii lagu soo dhaweeyey.

Geesta kalena,  waxa Khamiistii Madaxweyne Biiixi iyo weftigiisa hadhimo sharafeed ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Maaliyadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane Axmed Shide oo ka mid ah foolaadka Golaha Wasiirrada Itoobiya.

Dawladda   hadhkeed la ciyaarka ah ee Farmaajo oo marin habaabinta bulshadeeda ka dhigatay siyaasad ay ku tamariso, ayaa fadeexadda siyaasadeed ee kala kulantay booqashada rasmiga ah ee Madaxweynaha Somaliland ku tagay Addis-ababa, waxay kaga falcelisay inay isku maaweeliso  war sheegaya in madaxweynaha Somaliland ogolaaday inuu la shaqeeyo  dawladda Muqdisho, taasoo aan  ka mid ahayn qodobbadii Somaliland iyo Itoobiya ka wadahadleen.

Dawladda  Somaliland ayaa Xukuumadda Itoobiya uga mahadcelisay sida saaxiibtinimada leh ee ay u qaabileen madaxweyne Biixi iyo Weftigiisa.  “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo dhaweynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda,”ayuu lagu yidhi War-murtiyeed uu soo saaray Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu intaas ku ladhay; “Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika.”

Asbaabaha Xoojinaya Iskaashiga Somaliland iyo  Itoobiya:

Inkasta oo dawladda  aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya ay  juhdi badan gelisay inay  curyaamiso xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya, waxay Somaliland ay diblomaasiyan  dhicisaysay xiqdigii Soomaaliya, iyadoo  Itoobiya ku baraarugtay  inay iimaansato xidhiidhka diblomaasiyasadeed iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland oo ay u aragtay mid aan mugdi iyo madmadow la gelin karin.

Dawladda Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn, waxaa  saami dhan 19% laga siiyey heshiiska maalgashi ee lagu casriyeynayo marsadda Berbera, oo ay  si saddex geesood ah u wadagaleen Xukuummadda JSL, Itoobiya iyo Shirkadda DP World, waxaanay arrintaasi ahayd qoddob weyn oo Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisul-wasaare Abiy isla jeex-jeexeen intii uu socday kulankoodii.

Sidoo kalena, Xukuumadda Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed waxay  Somaliland u soo dirtay Shamsudiin Axmed Rooble  oo ah danjire waayo-aragga ah oo magacaabistiisu ka turjumayso  in Itoobiya daneynayso masaalixda aan xadka lahayn ee ka dhexeeya Somaliland.

Ugu dambeyn,  Dawladda Somaliland waa gaashaan adag oo Itoobiya kaga deyran kooxaha argagixisada ee Soomaaliya ku beermay, taasi Itoobiya aanay ku safaadeynin.  Sidaas darteed, waxa booqashada Madaxweyne Biixi ay dhirbaaxo siyaasadeed ku tahay Farmaajo iyo Maamulkiisa oo shacbigiisu  quus ka joogo  tamar darrada dawladiisa  oo gaadhay  in aanay xataa ka wada talin magaalada Muqdisho badhkeed labadii sannadood ee uu fadhiyey  hoggaanka Soomaaliya oo ay ku ilaaliyaan  ciidammada AMISOM.

SHARE
Article horeAddis ababa: Muuse Biixi Oo Booqday Safaaradda Somaliland Ku Leedahay Dalka Itoobiya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here