Sahra Axmed Jaamac Oo Hargeysa Ku Geeriyootay

0
1

Hargeysa(Hubaal):- Allaah ha u naxariistee Fannaanaddii Caanka ahayd ee Sahra Axmed Jaamac, ayaa Saaka ku geeriyootay Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa oo ay dhawaanahan xaalad Xanuun u taallay, sida uu Warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyey Abwaan Aadan Tarabbi.

 

Sahra Axmed Jaamac oo ka mid ahayd Hormuudka Fanka Soomaaliyeed Hablihii Foolaadka u ahaa, ayaa lagu tilmaamaa inay ka mid ahayd Dhawrka Gabdhood ee ugu Heesaha Badan Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ka mid ahaa Kooxdii Fanka Soomaaliyeed ee Waabberi, iyadoo qaadday Heeso tiro badan oo ay gaar u qaadday iyo kuwo ay Fannaaniin Rag ah oo kala duwani la qaadeen, kuwaas oo isugu jiray kuwo Jacayl ah, kuwo Wacyigelin ah, kuwo Waddani ah, kuwo Nebi-ammaan ah iyo weliba kuwo Alla-bari ah.

 

Allaah naxariistii Janno haka waraabiyo ee Sahra Axmed Jaamac, Riwaayadaha ay wax ka meteshay way tiro badnaayeen, hase-yeeshee, waxaynu xusi karnaa oo ay si weyn uga dhex-muuqatay ama Aktarad ka ahayd Riwaayadaha Geyiga Soomaalida ka hana-qaaday dhammaadka Lixdamaadkii illaa siddeetameeyada qarnigii 19-aad, waxaa ka mid ah; Dab Jacayl Kari-waa, Galbeed waa la Xoreeyey, Wadhaf iyo Shimbiro War isuma hayaan, Nin Qasbaaya Jacaylka ma loo quudhi karaa?, Bad-jacayl Badanaa, Jeel iyo Jacayl, Hablayahaw hadmaad Guursan doontaan?.

 

Meydka Marxuumad Sahra Axmed Jaamac, ayaa lagu aasayaa magaalada Hargeysa Saacadaha soo socda haddii Illaahay idmo, waxaana Bahda Suugaanta ee Abwaannada iyo Fannaaniinta ay isku Bahda ahaayeen oo ka warramaya Taariikhda ay ka hayaan iyo shaqsiyadda Sahra Axmed ay caanka ku ahaydba idiinku soo gudbin doonnaa qaybaha dambe ee Wararkeenna.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here