Saraakiil Kale Oo Dhanka Badda Ah Oo Itoobiya U Qalin Jabisay

0
1

Itoobiya Oo Ah Dal Aan Bad Lahayn Ayaa Haddana Wadda Tabarka Saraakiil Iyo Ciidamo Kale Oo Dhanka Badda Ah

Addis ababa (Hubaal) Saddex iyo toban Sarkaal oo bartay taliyenimada ciidamada badda ee dalka Itoobiya ayaa ka qalin jabiyey machadka Babogaya oo lagu tabbaro ciidamada Badda. Saraakiishan ayaa muddo lix bilood ah tababar ku qaatay Machadka hoos yimaadda wakaaladda adeegga Lojistikada iyo gaadidka badda ee dalka Itoobiya ee Babogaaya. 31 xirfadlayaal oo kale oo sidoo kale tababar dhanka ciidamada badda ah ku qaatay isla machadka ayaa qalin jabiyey. Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn ayaa haddana wadda tabarka saraakiil iyo ciidamo kale oo dhanka badda ah. Sida ay sheegtay Warbaahinta afka dawladda ku hadasha ee FANA, Saraakiisha iyo xirfadlayaasha tababarku usoo dhammaaday ayaa waxay isugu jiraan kuwa hore uga soo shaqayn jiray maraakiibta dalka Itoobiya iyo qaar kale oo leh waayo aragnimo dhanka ammaanka badda ah. Saraakiishan uu tababarku u dhammaaday ayaa ah saraakiishii labaad ee ka soo baxa machadka ciidamada badda.

Itoobiya xeeb ma leh, waxayse dhisanaysaa ciidamada badda!

Markii ay Eritrea ay xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxa ay noqotay dal aanan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday talaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda. Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig baddeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah. Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yidhi “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo baddeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”.

Maxaa kalifay tallaabadan?

Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yiri in ciidammadu ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna ay samaynayaan isbadalada loo baahanyahay. Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aanay isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii hore loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato. Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxeexatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taalla. Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degisato ama dhoofiso.

Waxaa jira Khad tareen oo isku xidha labada dal oo dherer ahaan gaaraya 759 km, kaas oo fududeeyey in badeecooyinku ay u kala gooshaan labada dhinac. Hase ahaatee Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaal.

“Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan waydo waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yidhi Roba. Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan. Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tababaro xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 oo qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 qof.

In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa badda waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale badan. Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxeexatay Suudaan iyo waliba xukuumadda Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga.

SHARE
Article horeNuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Dastuurka Somaliland iyo Micheal Rubbin
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here