Sarkaalkii ay Dawladda Soomaaliya U Gacan gelisay Itoobiya Oo Xabsiga Laga Sii Daayay & Weji-gabaxa Soomaaliya   

0
1

Cabdikariin Sheekh Muuse  Qalbi Dhagax Oo Kamid Noqday Mucaaradka Dowladda Itoobiya Sii Deysay

 

Addis Ababa(Hubaal):- Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo ka tirsanaa Jabhadda ONLF ee dagaalka kula jirta dawladda Itoobiya oo muddo sannad ah xidhnaa, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya sannadkii hore, ayaa maanta la sii-daayey, waxaanu ka hadlay siiddeyntiisa.

Cabdikariin Qalbi-dhagax oo sii deyntiisa ka dib la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in uu Caafimaadkiisu wanaagsan yahay. Wuxuu intaa ku daray in muddadii uu xidhnaa uu haystay Raadiye iyo Internet, uuna la socday waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

 

Wuxuu Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-gadhax Idaacadda BBC-da u sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen Odayaal, Siyaasiyiin iyo Xubno ka tirsan Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha u dooda gaar ahaan Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Itoobiya oo dawladda Itoobiya kala hadlay xadhiggiisa iyo inuu  yahay mid aan sharci ahayn, ka dibna ku guulaystay inay ku qanciyaan dawladda inay xorriyaddiisa u celiso oo ay Xabsiga ka sii-dayso.

 

Qalbi-dhagax, ayaa bishii Agoosto ee sannadkii 2017-kii laga qabtay badhtamaha dalka Soomaaliya, muddo yar oo uu ku jiray gacanta dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka dibna waxaa lagu wareejiyey dawladda Federaalka ah ee Itoobiya oo Xabsi u dirtay, maaddaama oo uu ugu eedaysnaa Hoggaamiye ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Jabhadda ONLF ee dagaalka Hubaysan kula jira dawladda Itoobiya ee ka dagaallanta deegaannada Soomaalida Itoobiya.

 

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here