HUBAALMEDIA.COM
Sawir Indhaha Soo Jiitay Oo Xildhibaan Kijaandhe Ku Muujiyey Aqlabiyadii Uu Golihiisu Ku Ansixiyey Heshiiska Dp World
August 11, 2016 - Written by Mustafe Faro

Akhri: Hal-ku-dhegyo Ku Xardhannaa Warqadda Ay Sawirradu Ku Yaalleen Oo Macne Ahaan Xambaarsanaa Laba Weedhood Oo Kor Iyo Hoos Ku Kala Qoran

 Hargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana ku jiray mudaneyaashii ka tanaasulay in ay dorraad ka qayb qaataan dooddii ansixinta isu bedeshay ee goluhu ku meel mariyey   Maalgelinta Dekedda Berbera ee Xukuumaddu la gashay Shirkadda Carbeed ee DP World ayaa intii lagu gudo jiray mashruucaas golaha horyaallay waxaa uu dareenkiisa ku muujiyey sawir uu warbaahinta u qeybiyey oo indhaha soo jiitay.Kijaandhe

Xildhibaan Kijaandhe, ayaa ka mid ahaa Mudaneyaal uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu Shalay Magacyadooda yeedhiyey si ay dooddooda uga dhiibtaan Heshiiska DP World ee Golahooda la hor-keenay, maaddaama oo doraad Wakhtigu ka dhacay, ayaa sheegay inaanu wax dood ah ka qabin heshiiska. Laakiin taa beddelkeeda wuxuu soo bandhigay oo uu Warbaahinta u qabiyey Waraaqo ay ku sawiran yihiin Laba Dameer oo xadhig keli ahi kaga xidhan yahay qoorta. Dameeraha uu Xildhibaanku Sawirradooda soo bandhigay isla-markaana uu sheegay inuu doodda heshiiska Dekedda Berbera kaga qayb-qaadanayo, ayaa sii kala jeeda iyaga oo xadhig keli ahi uu qoorta kaga xidhan yahay, waxaana mid walba meel ka durugsan uga muuqda waxaynu ku tilmaamo karno BUUSHI, waxaana dameer walba isku dayayaa inuu dhaqaaqo oo uu cuno Buushigaas, laakiin Midkoodna ma gaadhayo, maaddaama oo midba uu jiidanayo mid kale, taasina keenayso inuu gaadhi waayo. Hasa-yeeshee, Sawirradan oo Shan jeer sii kala hooseeya, ayaa Sawirka ugu dambeeya ama ugu hooseeyaa wuxuu muujinayaa in Labadii Dameer ku heshiiyeen inay dhinac isku raacaan, oo ay marba si wada jir ah u cunaan Buushigii ay keli keliga u gaadhi waayeen.

Sawirrada ku yaalla Warqadda uu Xildhibaan Kijaandhe Saxaafadda u qaybiyey oo ujeeddada laga fahmi karaa tahay Isfaham, ayaa waxa korka kaga qoran Weedha ah, “Aan Wada Noolaano Walaalayaal.”. Halka Hoosana lagaga qoray Weedha ah..“Ma Iskaashannaa Walaalayaal.”

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews