Sawirkii Faysal Cali-waraabe Iyo Farmaajo Wuxuu Jawaab U Yahay Sawirkii Muuse Biixi Iyo Ismaaciil Buubaa

0
1

Waa shaqsi-xurmo muddan oo xeel-dheer, xilkas, xikmad badan oo gob ah. Gobonnimadu waa shaqsiga ka taga  wixiisa ee  lala noolaan karo,  mana aha shaqsi lagu sifeyn karo gun, gunnimaduna waa shaqsiga garwaaqsan waaya ee aan lala noolaan karin.

 

Tan iyo waagii uu u xuub-siibtay dhinaca siyaasadda, wuxuu tabo-galiyey binneyntii  Xisbiga Daryeelka iyo Caddaaladda ee loo soo gaabiyo UCID, waxa uu u xusul-duubnaa inuu ku gaadho hankiisa uu hiigsanayo, isagoo u maraya nidaamka xisbiyada badan ee ku dhisan hannaanka dimuquraaddiyadda lagu soo doorto mansabka ugu sareeya ee Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Inkasta oo uu dhowr jeer ku guuleysan waayey tartankii doorashada madaxweynenimmo ee ka qabsoomay dalka, haddana marnaba lagama dareemin xanuunada dusduska iyo khiyaamada ay keento guul-darradu,  waxaannu illoobay xoolo, xil iyo xille, sidii uu guure iyo galab carrow ugu jiray danta qaranka wada-jirkeeda, difaaceecda, midnimaddeeda iyo wada-noolaanshaha ummadda ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dullucda qormadeydani waxay daaran tahay  “halka aad shaqsi ka qaadato, shaqsi baad kaga tagtaa, halka aad ka qaadato dhidar kuu xidhay harag dibina aad kaga tagto shaqsiyaad badan.”  taasoo, hogo-tusaale u noqonaysa in laga dheehan karro muuqaalada ay bixinayeen sawirkii Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe uu la galay Mr. Farmaajo oo ah Madaxweynaha Dowladda aan Iskeed Isku maamulin ee Soomaaliya, kaasoo cadow ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay taasi jawaab u ahayd sawirkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la galay Ismaaciil Buubaa oo xubin ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

 

 

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

SHARE
Article horeXisbiga WADDANI Maxaa Ka Indho Saabay Horumarka Geeska Ka Hanaqaaday.!! W/Q: Eng. Daa’uud Abiib
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here