HUBAAL Ka Daawo: Saylici Oo Musharraxnimadiisa Shuruud Uga Dhigay Siilaanyo, Khilaafka Xisbigana Ugu Maahmaahay Nin & Xaaskiisa Oo Suuqa Is Eryaday+Xoghayaha Guud Ee KULMIYE oo Shaaciyey Xilliga Uu Qabsoomayo Shirka Golaha Dhexe

0
30

 

 HUBAAL :   Shir Jaraaid Oo Maanta ay Saylici iyo Xoghayaha KULMIYE Wada Jir U Qabteen

“Oday baa laga sheegay, oo la yidhi waxa la arkay isaga oo ay Islaantiisii Suuqa Eryanayso, dabadeed waxa la yidhi Hebelloow waa maxay ceebtan dhacday, dabadeed  wuxuu  yidhi, ninka iyo Islaantiisu mar walba way is hayaane, taayadu dibada ayay u soo baxday. Markaa annagu maanu jeclayn  khilaafkayagu dibada u soo baxo e, inaanu gudaha ku dhamaysano ayay ahayd….Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Haduu hal gebi soo rog-mado, hal gebi baa qarsooma, annaguna wixii aanu qoranay dhinac buu VALID ka yahay, wixii ka soo baxayna Xeer qaran baa qariyey…”-Saylici

 

“Waxaan doonayaa inaan ku dhawaaqo in shirkii golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Qabsoomayo 1ada bisha June, waxaan ku wargelinayaa xubnaha golaha dhexe inta caasimada joogta iyo inta gobollada dalka joogtaba, in ay shirka golaha dhexe yimaadaan maalinta   bishu tahay 1.  Waxaana uu shirku ka dhici doonaa hotelkan aynu maanta fadhino ee Maansoor”. Sidaa ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE oo maanta isaga iyo Guddoomiye ku xigeenka  4aad ee Xisbiga ahna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici shir jaraaid ku wada qabteen Hotelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

 

 

vlcsnap-2014-05-26-15h45m52s238

vlcsnap-2014-05-26-15h46m12s232

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here