HUBAALMEDIA.COM
Sayllac: Dadka Iyo Duunyada Oo Cudurro Halis Ah Ka Qaaday Siigo Iyo Boodh Ka Dhashay Ciid Ay Daabushaan Shirkado Wasiirka Macdantu Ruqsado Siiyey
April 5, 2017 - Written by Mustafe Faro

Shirkadaha Khayraadka Deegaanka Gurta Oo Boholo Noloshii Dadka iyo Duunyadaba Halis Ku Haya Halkaas Ka Jeexay

saylac

Hargeysa:(Hubaal)-Shacabka ku dhaqan degmada Saylac iyo deegaannada hoos yimaadda, ayaa cabasho ballaadhan ka muujyey dhibaato caafimaad iyo mid nololeed oo ka dhalatay ciid si xawli ay halkaas uga daabulanayaan shirkaddo chines ah oo uu wasiirka macdantu ruqsado siiyey.

Cabashada dadweynaha deegaannadaas oo in muddo ahba soo noqnoqnaysay, ayaa haatan xoogaysatay, waxana taagan mushkilado caafimaad oo ay deris la noqdeen dadka iyo duunyada halkaas ku dhaqan, kuwaas oo ka dhashay hannaanka ciidda loo daabulo oo dhibaato muuqata keentay.

Dadweynahan qaarkood oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in iyaga iyo xoolahooduba cudurro ka qaadeen boodhka iyo duufaanno ka dhashay ciidda sida aan meel dayeen halkaas looga qoadayo, isla markaana ay halis nololeed ku hayaan boholo waaweyn oo laga jeexay dhulka ciidda ay ka qaadaan baabuurta waaweyn ee shirkaddaas u shaqeeya.

Muwaadin deegaankaas kasoo jeeda oo magaciisa ku sheegay Cabdilaahi Dhakhtar oo warbaahinta la hadlay, ayaa dhaliilo u jeediyey wasiirka macdanta oo isagu ruqsadahaas bixiyey, isla markaana aan qaadin wax tallaabo ah oo dadka deegaanka dhibaatada lagaga difaacayo, waxana hadalladiisii kamid ah,“Wasiirka cammuuddayada iibsanaya waxanu leenahay umadda iyo deegaanka dhawr, xoolaha siigada lagu kiciyey ee cudurrada qaadayna waa lagaala xisaabtamayaa,kama shaqayno oo shaqo nalagama siinin, waxa aan siigo iyo boodh ahayn oo aanu ka faa’iidnaana ma jirto.”

Dadku waxa ay sheegeen in maalintii ugu yaraan 30-lowdh oo ciid ah halkaas laga qaado, loona daabulo dhinaca dalka Djibouti, waxana ay xuseen khayraadkii dhulkooda iyaga soo taagan dal shisheeye lagu daabbulo, isla markaana aanu jirin wax manaafacaad ah oo kaga soo noqda oo ay intaas u dheer tahay dhibaato deegaankii ku timi iyo caafimaad-darro dadka iyo duunyada ku habsatay.

Wasiirka Macdanta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa isagu indhaha ka qarsaday dhibaatada nololeed ee dadka reer Saylac haysata, waxana uu ka door biday shilimaadka laga qaadayo shirkadaha shisheeye uu ruqsadaha u siiyey inay daldashaan khayraadka deegaanka, waxana xusid mudan inaanu diyaarba u ahayn inuu wax ka qabto dhibaatada caadimaad iyo dadka iyo deegaanka Saylac kasoo gaadhaysa hawlahaas.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews