Shacbiga Oo Ku Dhego-barjoobay Shan Wasiir Oo Shaashadaha Lasoo Fadhiistay Jawaabo Is Barbar Yaac Ah

0
21

 Hargeysa (Hubaal)-Tan iyo intii Is-bahaysiga Mucaaridka Somaliland ku dhawaaqeen inay shirweyne Talo qaran ah qabanayaan, ayaa waxa ay xukuumaddu sida fiinta uga qaylisay Dhawaaqaas, waxana ay si habaqle ah jawaabo aan is ogayn uga bixisay Dhawaaqaas. Jawaabahan oo ahaa qaar is hareera socda, ayaa u muuqday kuwa wasiirradu tartan u gelayeen sidii ay ugu kala horrayn lahaayeen jawaabta mucaaridka la siinayo, waxana, waxana muddo 24-saacadood Gudahood ah jawaabo bixiyey ugu yaraan shan wasiir oo aanu midina midka kale ogayn ama aanu la soconin. Jawaabtii ugu horraysay waxa bixiyey Wasiir-ku-xigeenka Xukuumadda ku cusub ee Arrimaha Gudaha, gaar ahaa dhinaca Maamulka Degmooyinka iyo Dawlaha Hoose Axmed Faarax Caddare, waxana uu si adag u sheegay inaan shirkaas qaran xukuumaddu aqbali Karin, isla-markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo shirkaas qabanqaabadiisa isku dayda.  hadhWasiirkaas kadib waxa isaguna Mucaaridka jawaab kale siiyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxana uu laftiisu caddeeyey inaanu shirkaas qaran bannaanayn, isla-markaana xukuumaddu raalli ka ahayn.  Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa isaguna si iskii ah jawaab kale oo habaqle ah uga bixiyey Dhawaaqa Mucaaridka, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu madaxweyne Siilaanyo yahay shakhsiga kali ah ee sharcigu siiiyey inuu shir qaran ku baaqi karo.  Sidoo kale waxa isaguna Jawaab kuwaas hore aan ka  fogayn mucaaridka siiyey Wasiirka Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, waxana uu sheegay in muddo-kordhinta Madaxweynuhu  tahay wax daruuri ah oo loo baahan yahay.  Tiradan aynu soo sheegnay ee Jawaabaha isgarab yaaca bixiyey waa wasiirrada oo kali ah, balse waxa jira Masuuliyiin kale oo iyaguna sidooda arrintaas uga Hadlay, waxana kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Mareedi-jeex Md Jeeniyare iyo Waliba Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdilaahi  Fadal Iimaan, kaas oo isagu xataa Ciidankii Booliska Shaashadaha soo tubay, isagoo ugu hanjabay Mucaaridka Cududda Ciidanka Booliska oo muwaadiniintu usiman yihiin.  Isdaba yaacan xukuumaddu kaga falcelinayso Dhawaaqa Mucaaridka, ayaa muujinaya sida xukuumaddu uga baqo qabto dhaqdhaqaaqyada Mucaaridka, iyadoo aan la ogayn dheefta laga heli doono  Awoodda xukuumaddu u isticmaalayso Hirgelinta Muddo-kordhinta Mucaaridku diidan yahay ee Guurtidu u samaysay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here