“Shacbigu Ha Kala Daayo Inay Golaha Dhaliillaan & In Markay Go’aamo Soo Saaraan Yidhaahdaan Reer Hebel Baa Loo Jeedaa”

0
1

Xil. Buubaa Oo Difaacay Warbixintii Musuqmaasuqa Xambaarsanayd Ee Dhawaan Guddida Daba-galka Goluhu Soo Bandhigay

Hargeysa(Hubaal) – Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ooka tirsan  guddida daba galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland ayaa difaacay warbixintii dhawaan uu golahoodu ku soo bandhigay musuqmaasuqa ay xubno ka tirsanaa xukuumaddii Siilaanyo kukaceen kuwaas oo siyaabo kala duwan uga jawaabay nuxurka warbixintaas.  Ibraahim Buubaa oo khamiistii la soo dhaafay magaallada Hargeysa kula hadlay qeybo kamid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa  sheegay in gudashada waajibaadka qaranka ee guddidoodu u qaabilsan yahay goluhu mudan yahay in lagu bogaadiyo balse aan lagu dhaliilin, “Guddida sida magaceeda ka muuqata waxa waajibaadkeeda ka mid ah oo ugu mudan in ay baadhitaan ku sameeyaan isla markaana ay daba-gal iyo hubin ku leedahay cid
kasta, qof kasta iyo xil kasta oo uu leeyahay kaas oo hanti qaran maamula; xilkaa ama immika ha hayo ama hore ha u hayn jiree”. Sidaas ayuu yidhi Xil. Buubaa, waxana uu intaa ku ladhay “ Si ay taasi u suuro gasho, waxaanu soo marnaa gobol kasta iyo goob kasta oo Somaliland ka mid ah taas oo laga fuliyay mashaariico horumarineed oo laga maalgaliyay lacagta qaranka,  wixii dhul la bixiyay iyo weliba in ay ku hubsadaan in ay qasnadda dawladda ku dhacday lacagtii ummadu”. Mr. Buubaa waxaa uu meesha ka saaray isla markaana uu beeniyey inay guddi ahaan cid gaar ah bartilmaameedsadeen markii ay ku gudo jireen baadhitaanka warbixintii ay soo saareen dhawaan “Gudidu cid gaar ah ma beegsanayso mana target garaynayso madax hore iyo madax danbe midba, balse si ay   u gudato waajibaadkeeda shaqo in ay daba-gal iyo baadhitaan ku samayso halka ay martay hantida ummadu ayaa yoolkeedu yahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Buubaa.
dhinaca  kale  xildhibaanku waxa uu farriin u diray shacbiga Somaliland oo uu sheegay inay laba arrimood kala daayaan, kuwaas oo uu sheegay inaanay is qabanayn “ shacbigu ha kala daayo inay marna golaha wakiillada ku dhaliilaan inaanay shaqadooda qabsan iyo in markay shaqadooda sida ay tahay uga soo baxaan inay ka horyimaadaan natiijadeeda oo aad tidhaahdaan reer Hebel baa loo jeedaa iyo in  suldaan cumaamad sitaa   ka hadlo  go’aamada golaha wakiillada ka soo baxa”. Gebobadii waxaa uu Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa nasiib darro ku tilmaamay raalli gelin uu dhawaan xubin golahooda ka tirsani ka bixiyey warbixintii uu guddida daba galka iyo ilaalinta hantidu soo saaray, taasi oo qaar kamid ah masuuliyiintii ay warbixintu eedaysay sida fiinta uga qayliyeen isla markaana ku beeniyeen natiijadeeda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here