Shan Wasiir Oo Xukuumadda U Qaabilsan Siyaasadda Miisaanniyadda Oo Kulan La Yeeshay Ganacsatada reer Somaliland

0
1

“Shirkani Wuxuu Dabo Socday Shirkii Madaxweyne Ku Xigeenku Ambassador Hotel Ka Furay, Waxaananu Kawada Hadalnay Sidii….”- Wasiirka Maalliyada Yuusuf Maxamed Cabdi

Hargaysa (Hubaal):-Gudida Siyaasada   Miisaaniyadda ee golaha wasiirada Somaliland  ayaa  kulan la   yeeshay Ganacsatada  kala duwan,.kulankaas oo lagaga wadahadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka. Shirkan oo shalay ka qabsoomay   huteel Kaah ee magaalada Hargaysa  ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirrada wasaarada Horumarinta maaliyadda Yuusuf  Maxamed Cabdi, Ganacsiga  Maxamuud   Xasan Sacad, arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Xanaanada Xoolaha   Xasan Maxamed Cali  Gaafaadhi, Boosaha iyo Tignoolajiyada  Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi iyo xubno ka socday  ganacsatada dalka.  Wasiirka Horumarinta Maaliyada Yuusuf  Maxamed Cabdi ayaa waxa uufaahfaahin ka bixiyay ujeedada shirkan ay la vyeesheen ganacsatada  dalka.waxaana uu yidhi “Waxa aanu la kulanay Ganacsatada  kala  ee Somaliland oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee ganacsatada  shir aad u balaadhan ayaa nooga qabsoomay Huteel Kaah ee magaalada Hargaysa,waxaana shirkaas lagu lafo guray sidee ayaa loo horumarin karaa  dhaqaallaha, waxaana shirkani dabo socday shirkii madaxweyne ku xigeenku furay  ee Huteel Ambassador ka dhacay ganacsatada isku manaan yeedhin  in aanu cashuur ku kordhino  ganacsatada   waxaana  aanu ka wadahadalnay sidii loo horumarin lahaa  dalka  waxaana kulan kaasi kusoo dhamaaaday isfaham buuxa,”. Wasiirka Wasaarada Horumarinta   Ganacsiga  Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad   ayaa waxa uu sheegay in shirkan lagaga wadahadlay sidii ganacsatada iyo xukuumadda horumar dhaqaale u samayn lahaayeen.waxaana uu yidhi“Waxa maanta Shalay shir balaadhan iskugu yimid gudida maaliyada  Dhaqaalaha ee xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada  dalka,waxaana  shirkani dabo socdaa shirkii sanad laha ahaa ee bishii Juun  aakhir keedii qabsoomay  waxaana shirkan lagaga wadahadlay sidii Ganacsatada  iyo xukuumadda horumar dhaqaale   u samayn lahaayeen,”.

SHARE
Article horeSomaliland oo Lagu Martiqaaday Shir Caalamiya oo 40 Dal oo Afrikaan ah ka qaybgalayaan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here