HUBAALMEDIA.COM
Shaqaalaha Dekedda Berbera Oo Diiday Inay Qaataan Lacagtii Xaqooda Iyo Sababta Keentay
February 18, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hargeysa (Hubaal) Shaqaale weynaha Dekeda Berbera oo saaka loo bandhigay ama loogu baaqay inay qaataan lacagtii xaqa ama xuquuqdooda ahayd ayaa guud ahaan Madax iyo shaqaale hoosaadba saaka diiday inay lacagtaas qaataan, iyaga oo ku sababeeyay in lacagtaasi kala dhimantahay oo kala badh lacagtii xaqooda ahayd maqantahay oo Xukumada sare laka hadhay.

Waxaanay shaqaale weynaha Dekeda Berbera dekeda gudeheeda ka saameeyeen isu soo bax ay ku muujinayaa in aanay marnaba qaadanayn lacagtaas kal dhiman ee banka Berberra xukumada somaliland usoo dhigtay sidoo kale waxa ay shaqaalaha dekeda Berbera oo aan mawqifkan ukala hadhinin wacad ku mareen inaanay qaadanayn lacagtaas akal dhina ee sida azy sheegeen kala badh ama 50% ka maqanyahay,

Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Iyo Mayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xassan(Cidin)ayaa Madaxda waaxyaha Dekeda Berbera kulan albaabadu uxidhan yihiin Xafiiska Maareyaha kula qaatay iyaga oo isku dayay inay kala xaajoodaan Madaxda waaxayaha Dekeda Sidii ay shaqaalaha ay xukumaan ku qanciyaan lahaaen inay lacgtaas qaataan balse kulankaas waa lagu kala kacay oo madaxdii waaxyaha dekedu waxa ay si qayaxan ugu shegeen sadexda masuul inay  shaqaalahooda kula socdaan go,aanka ah inay lacagtaas diidaaan iskaba daa Qancino waana lagu kala kacay kulankaas oo natiijo la,aan ayuu kusoo dhamaaday.

Maamulka Dekeda Berbera oo kaashanaya Masuuliyiin ka socda Banka dhexe iyo wasaarada maaliyada ayaa damacsanaa inay maanta oo sabti ah bilaabaan bixinta lacagta xaqa ah ee shaqaalaha dekeda hase yeeshee arinkaas waa suuragali waayay.

Ila Hada Mamulka Dekeda berbera iyo Ka Gobolka Saaxil toona wax wara kamay soosaarin arinkan waxaanay umuuqataa mid aan xal loo helayn maadama oo shaqalaha Dekeda Berbera badidoodu maanka ku hayaan in shaqalaha intooda badan shirkada maamulka Dekeda la wareegaysa ee DP World eryi doonto oo aanay ubaahnayn, shaqaalaha Dekeda Berbera ka hawlgala ee xafiisyada ama Pirolka ah ee Mushaharka bilaha ah qaata ayaa tiradooda lagu sheegay(800)oo aanay ku jirin shgaqaalaga xamaalka iyo kuulioga ee gacanta ka shaqeeya oo iyaguna kumanaan gaadhaya,

Shaqaalaha Dekeda Berbera oo aad ukacsan ayaa laga yaaba maalmaha soo socda inay Mudaharaado aan kala go lahayn sameeyaan sidsa aanu kasoo xiganay qaar kamida shaqalaha Dekeda Berbera oo noo sheegay inay mudaharaado ay xaqoodii ku doonayaan rabitaanlloda klu muujiyaan samayn doonaan.

Halkan Hoosen Ka Daalaco Lacagta Loo Keenay shaqaalaha Dekeda ee Banka Utaala Iyo Faraqa Udhexeeya lacagta ay leeyihiin

Source: Berberatoday

Xaqa-shaqaalaha-ee-rasmiga-ah xaqa-shaqaalaha

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews