HUBAALMEDIA.COM
Shaqada Ay Qaban Doonaan Guddi Loogu Magac-daray ‘Guddida Gargaarka iyo Gurmadka oo Madaxwuhu Xalay Magacaabay
May 11, 2017 - Written by Mustafe Faro

WAR-SAXAAFADEED: Akhri Liiska Magacyada 25 Xubnood Oo Laga Soo Xulay Xukuumadda, Ururrada Bulshada Iyo Labada Xisbi Mucaarid

madaxweyne siilaanyo

Hargeysa (Hubaal) -Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmauud Ayaa xalay magacaabay guddi heer qaran ah oo ujeedadiisa lagu sheegay in ay yihiin guddida 18-ka MAY Ee Taakulaynta dadka abaartu tabaalaysay kuwaasi oo laga soo kala xulay hay’adaha dawlada, xisbiyada mucaaridka iyo ururrada bulshada rayidka ah. Warsaxaafadeed amuurtan ku saabsan oo xalay uu soo saaray afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-4751/052017, ku magacaabay Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay, waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:

Ujeeddo: Magacaabid Guddida 18-ka May ee Taakuleynta  Dadka Abaartu Tabaaleysay

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska Sannad Guuradda 26aad ee Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, taas sannad kasta gobollada dalka oo dhan laga sameeyo dabaal-deg baaxad leh.

Haddaba, waxa ii muuqata in sannadkan 2017-ka uu ka duruuf iyo marxalad duwan yahay kuwii hore, maadaama ay dhacday abaar ba’an, isla markaana ay jiraan bulsho badan oo ka mida muwaadiniinta Somaliland oo ilaa hadda la il-daran diifta ay abaartu sababtay. Haddaba;

Markaan Arkay:             In duruufta abaartu keentay gaadhay heer ay darxumo iyo diif u dhintaan duur-joogtii, duunyadii la dhaqanayey iyo dadkii noolaa, intuba;

Markii Aan Tixgeliyey:  Dareenkii Bulshada Somaliland ee tibaaxayey in ay habboon tahay in sannadkan dabaal degga 18-ka May loo beddelo gurmadka dadka tabaalaysan;

Markii Aan Qiimeeyey:iNuxurkii ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Lr. 219, ee qabsoomay 20/04/2017, ee ujeeddadiisu ahayd in dabaal-degga 18-kan May loo beddelo Gargaarka iyo Gurmadka dadkeena abaaruhu tabaaleeyeen;

Waxaan Go’aamiyey;

  1. in Xuska 18-ka May ee sannadkan 2017-ka loo beddelo Taakulaynta iyo Taageerada Bulshada ay abaaruhu saamaayeen.
  1. Waxaan idiin magacaabay Guddida Gargaarka iyo Gurmadka Bulshada Somaliland ee Abaaruhu Tabaaleeyeen, oo ka shaqayn doonta hawlahan:
  1. B) Qaadhaan Uruurin socon doonta ilaa 26-ka bisha June, 2017-ka.
  2. T) Diyaarinta Mashaariic lagu horumarinayo dadka tabaalaysan.
  3. J) Qorshaynta iyo qaybinta mashaariicdaas si ay uga soo kabtaan duunyo la’aanta,                 diihaalka iyo diifta abaartu reebtay.

Sidaa darteed, waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo bini’aadannimo iska saari doontaan gargaarka iyo gurmadka bulshada Somaliland ee abaaruhu tabaaleeyeen.

 

Guddida La magacaabay:

 

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada                                                             Guddoomiye

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                                             Ku-xigeen

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                                                          Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada                                                                     Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                                                 Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta                                 Xubin

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                                            Xubin

Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa                                                                                                  Xubin

Ku:       Mudane, Maxamed Shugri Jaamac  (Rugta Ganacsiga)                                             Xubin

Ku:       Mudane, Jamaal Caydiid Ibraahin (Rugta Ganacsiga)                                                            Xubin

Ku:       Mudane, Maxamuud Cabdi Jaamac (SOLJA)                                                             Xubin

Ku:       Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (Sonsaf)                                                                 Xubin

Ku:       Mudane, Maxamed Axmed Maxamuud (Sonsaf)                                                        Xubin

Ku:       Mudane, Cumar Cismaan Miigane (Sonyo)                                                                Xubin

Ku:       Mudane, Cabdi-shakuur Sulub Xirsi (Sonyo)                                                               Xubin

Ku:       Marwo, Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed (Sonyo)                                                      Xubin

Ku:       Marwo, Ismahaan Cabdi-salaan Xassan (Nagaad)                                                     Xubin

Ku:       Mustafe Axmed Xassan (Nagaad)                                                                               Xubin

Ku:       Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi (Guddida Abaaraha)              Xubin

Ku:       Sheekh Maxamed Aadan Muxumed (Guddida Abaaraha)                                          Xubin

Ku:       Mudane, Cabdi-naasir Yuusuf Cismaan (Xisbiga UCID)                                             Xubin

Ku:       Mudane, Cabdirashiid Xassan Maxamed (Xisbiga UCID)                                           Xubin

Ku:       Mudane, Jamaal Jaamac Xaamud (Xisbiga WADDANI)                                              Xubin

Ku:       Dr. Axmed Aadan Buuxane     (Xisbiga WADDANI)                                                     Xubin

Ku:       Sheekh Maxamed Cali Geedi (Xisbiga WADDANI)                                                      Xubin

ALLAA MAHAD

    Xuseen Adan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL,

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews