“Shaqada La Isku Wada Raacsan Yahay Ee Laga Yaabo Inaanay Dheef Badan Lahayn, Laakiin Karaamo, Ixtiraam & Duco Loo Hayo Waa Ciidamada Qaranka”

0
1

Madaxweynaha Oo Booqday Ciidamada Qaranka ee Jiidda Tukaraq Ku Sugan

Tukaraq (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidamada qaranka,  Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee safarrada shaqo ku maraya gobollo kamid ah dalka Somaliland, ayaa maanta booqasho ku tegay fadhiisimada  ciidamada qaranku ku leeyihiin Jiidda Aagga bari ee magaalada Tukaraq.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan taliyaha ciidanka qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, taliyaha ciidanka Booliska,  Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo maamulka gobolka Sool, ayaa ka hor intii aanay gaadhin jiidda hore ciidamada qaranka, waxa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Tukaraq, iyaga oo u gudbay fadhiisimaha waaweyn ee magaalada dhinaca Bari kaxiga, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada talisyada kala duwan ee qaranku  ku leeyihiin Aaggaas, halkaas oo uu madaxweynuhu salaam sharaf kaga qaatay cutub kamid ah ciidanka qaranka.

SHARE
Article horeDAAWO: Nuxurka Khudbad Madaxwweyne Biixii u Jeediyey Shacabka Reer Laascaanood
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here