Sheekh Aadan-Siiro Oo Ka Warramay Shakhsiyadii Marxuum Fu’aad Aadan Cadde iyo Afkaarta Ay Labadoodu Iska Shabbihii Jireen

0
34

“Marxuum Fu’aad Aadan Cadde Waxa uu Ka Mid Ahaa Tiir-dhexaadka Somaliland Ee aanu Aanu Ka Midaysnayn Qarannimada”

 Aadan Siiro

Hargeysa (Hubaal)– Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo kamid ah Culimada waaweyn ee reer Somaliland shacbiga Somaliland ka tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timi la taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo shalay ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla wadanka Turkiga.

Sheekh Aadan Siiro oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska HUBAAL ayaa ka warramay taariikhda iyo aqoonta uu u lahaa shakhsiyadii marxuum Fu’aad oo uu ku tilmaamay qof ay meelo badan ka midaysnaayeen labadoodu sida Somalilandnimada iyo horumarka bulshada.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu tilmaamay in Alle ha u naxariistee Fu’aad Aadan Cade uu ahaa tiir ka mid ah tiirarka Somaliland oo ay ka midaysnaayeen mawqifka Jiritaanka Somaliland, isla markaana shacabka Somaliland ay aad uga tiiraanyoodeen geerida ku timid, “Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, kulli nafsu daa’iqatul mowt, Alla ha u naxariisto MArxuum Fu’aad Aadan Cadde, qof waliba maalintiisa ayuu dhimanayaa, isaguna waqtigiisii oo weliba maalmo khayr badan oo ramadaan aakhirkeeda ah buu god galay. Runtii Marxuum Fu’aad Waxa uu ahaa oo aan ku aqaanay shakhsi kamid ah tiir-dhexaadka Somaliland amaba tiirarka qarankani ku taagan yahay mid ka mid ah ayuu ahaa, Aniga [Sheekh Aadan Siiro] iyo isaguna waxyaabaha aanu kamidaynayn waxaa ka mid ahaa mawqifka Somaliland-nimada iyo jiritaankeeda” sidaa ayuu yidhi Sh. Aadan, waxaanu illaahay uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo iilka neecaw qabaw iyo uu ku siiyo naruuro. Ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo beddelkiisa oo khayr qabana ugu cawil naqo.

Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cade ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland, waxaanu la soo sheegeeyey guud ahaan dawladihii iyo Madaxweyneyaashii Somaliland soo maray, isagoo wakhtigan uu wadku haleelayna uu ahaa Marxuumku la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here