Sheekh CabdiLaahi Sheekh Cali Jawhar: Mid Ka Mid Ah Haldoorka Loo Noqdiyo Hadhacyada Nabadaynta Ee Aan Hooskooda Ku Naaloono.

0
1

Qalinka: C.S.F(Jeesto).

Qormadani   maantu  waxay  daaran  tahay  inaan  muujino  taariikhdoodana  xusno  dadka  la  Majeerto  ee  bulshadeena  ku  jirta, Kuwaasi  oo  dhisay  ama  dhaqay  masiirka  umadani  ay  halkan  ku  soo  gaadhey,   Maxaa  yeelay  waxaan  taariikh  ahaan  u  baranaa  Niman  Cadaana  oo  dadkooda  anfacay  yagana  loogu  abaal-gudey  iney  Sooyaalka  Dunida  Galaan,  Waxase  ka  mudan  inaan  kuweena  barano  dunida  iyo  dadyawga  kalena  ka  dhaadhicino,   Barakada  Jamhuuriyada  Somaliland  waxa  balaysin  u  ah  geesiyaal  burji  leh  oo  dhib iyo  dheefba  ugu  fikiray  bulshadooda  si  ay  u  furaan  geediga  meel  doomida,  Hadaba  Odeyada  Qaranka  ku  suntan  nabadeyntiisa , Hufnaantiisa  iyo  kala  haadintiisa  waxa  ka  mid  ah  oo  safka  ugu  horeeyana  kaga  xusan  Baal-dahaba  Ilaahey  Cimriga  Iyo  Caafimaadkaba  haw  dheereeyee, (Sheekh   C/laahi  Sheekh  Cali  Jawhar),  Sheekhal-baladka  Gobalada  Awdal  iyo  Salal.

Sheekh  C/laahi  Sheekh  Cali  Jawhar  waa  fucaadii  bud-dhiga  u aheyd  samato-bixinta  Qaranimada  Somaliland  iyo  nabadeynta   beelihii  walaalaha  ahaa  ee  dagalkan  wada  daganaa,  Fucaadaasi  wakhti-xaadirkan  waxa  ka  nool  Sheekh  C/laahi  oo  kaliya  isla  markaana  ilaa  maanta  sii  wada  odeytinimadiisa  ama  nabad  daajinta  bulshada  uu  u  yahay  wax-garadka  marna  Caalimka  miladooda  ku  hagaya, Waa  hogaamiye  ruuxiya  kuna  caan-baxay  nabad-doonimada  aragtida  fog  ee  mar  kasta  ka  talisa  isku  duubnida  umada  uu  hogaanka  u  yahay,  Sheekhu  waxa  uu  ka  soo  jeeday  qoys  Karaamo  leh  oo  Aqoon  iyo  Caqliba  lagu  ogaa  iyo  waliba  talo  dhaqameedba,  Kuma  koobna  talo  ama  sheekhnimo,e  waxa  u  dheer  waa  mutadacaw  bulshada  horumarka  u  horseeda  waliba  maal  galinta  isagu  iska  bilaaba,  Aragtidiisu  waa  xasilooni  iyo  isu  tanaasul  mar  walba  uu  umada  ku  booriyo  waa  geesi  aan  runta  la  gaban  cid  kasta  iyo  cadad  kastana  aan  kala  jeclaysan  waxa  astaan  u  ah  Qaranimada  Somaliland  iyo  bulshadoo  mid  ah.

Dunida  umad  kastaa  waxay  leedahay  marjacyo  ama  laybareeriyo  lagu  baxo  oo  lagu  bad-baado  maalinta  ay  cakiran  tahay,  Hadii  dawlada  dunida  ugu  fac-weynee  Maraykan  ay  leedahay  odeyaal  khabiira  ah  oo  lagu  magacaabo  (Senate ama  waxan  la  yidhaa  golaha Council  Of  Elders) ,  Oo  uu  wadan  kastaa  leeyahay ,  Hadaba  kuwaasi  waan   baranaa   aqoon  ahaan  waxaaney  ku  jirtaa  maadadan  la  yidhaa  (Historyga), Sidoo  kale  waxa  yadna  Taariikhda  caalamka  lagu  qaataa  nimanka  cadaanka ah   ee  wax  curiyey ,  Kuwaasi  oo  wadamadoodu  ku  faanaan  oo  ay  buun-buuniyaan,  Ka  Somaliland ahaan waxa  inaga inoo  galaya  taariikhda  ,  tusaalaha,  ku  dayashada  iyo  waliba  dariiqyada   toosan  Sheekh  C/laahi  Sheekh  Cali  Jawhar,  hadii  aan  rabno  inaan   dunida  la  mid  noqono  waxa  inala  gudboon  inaan  hal-mudanteena  ama  hal-doorkeena  aan  ban-dhigno  una   quudhno  waxa  qaramada  kale  kuwooda  u  quudheen.

Sheekhu  waxa  uu  hormuud   ka  ahaa   gudidii   dhaqanka  ee  shirkii   Boorama  sanadii  1993kii  waa  goobtii  lagu  aqbalay   Somalilandnimada,e  hadaba  guurtidaasi  waxa  Calan-side  u  ahaa  Sheekhal-baladka  oo  gobanimo  iyo  guul  ku  hantiyey  waliba  Qaranka  awliyonimo  ugu  duceeyey.  Bartii  bay  ka  hana-qaadey   waxaa   aan  maanta  hadhsanayno  iyo  wax  kastoo  ku  hareeraysan  qodobkaasina  si  gaara  Qaranka  wuu  ku  tix-galiyaa  Sheekhal-baladka  (Sheekh  C/laahi  Sheekh  Cali  Jawhar),  Sooyaalkiisa  waxa  aan  ka  madhnayn  inuu  Sheekhu  ahaa   wakhti ,  Wakhtiyada  ka  mid  ah  Gudoomiyaha   Magaalada  Boorama  xiligaasina  sidaan  taariikhda  ku  helay   waxa  lagu  xasuustaa   maamulkiisii  dunta  ahaa  iyo  danaynta  kobcinta  ama  kordhinta  horumarka  bulshada,  Sheekhu  gudoomiyenimadiisii   kumuu   koobnayn   Borama   oo  kaliya   waxa  uu  inta   badan   ku  foognaa   danaha  Qaranka  iyo  arimo  masiiriya,  Dan-jire  Sheekh  C/laahi  waa   gadh-wadeen   dar-dar  galinta  iyo  dadaalada  isku  duubnida  Qaranka  ka  hawl-gala  oo  daafaha  haya  meel  kastoo  uu  joogna  ku  leh  haybad  maamuuseed  oo  lagu  aqbalo  qaraaradiisa  nabadeed, Sheekhnimo,  Wax-garadnimo  iyo  Guurtinimo  waa  maslaxad  ahaane,  In  badan  baa  lagu  badhaadhey  oo  lagu  bad-baadey   aragtidiisa  xariirta  aheyd   ee  ay  xikmadu  ku  dheehnayd.

Sheekhal-baladku   halgankiisa  ka  qayb  qaadashada  nabaydaynta  beelaha  Somaliland  ilaa  maanta  ayuu  wadaa   oo  uu  kolba  Erganimo  maslaxadeed  ku  dhamaystiraa,  Ilaahey   mahadi  ha  ka  gaadhee   Madaxweynaha  Somaliland  ayaa  asiibay   markuu  gartey  Ergo  nabadeed  culimo  u  badan  iney  Ceel-afweyn  tagaan soona  af-jaraan  colaada  deegaankaa,  Ergadaasi  oo  uu  gadh-wadeen  u  yahay   Sheekh  C/laahi  Sheekh  Cali   Jawhar,  Waxa  la  filayaa  maxsuulkeedu  inuu  noqdo  mid  lagu  diirsado   waayo  waxa  culus  ergada  gashay   mana  filayo  inay  ku  fashilmi  maxaa  wacay  bulsho  ahaan  way  dhisnaayeen,  Anaguna  waan  u  ducaynanaa  in  Raxmaanku  ku  asturo,  Waxaan  kaga  baxayaa   qormadan  aan  Sheekhal-baladka  ula  holadey  inaan  bal  waxoogaa   yar  gudo  abaalkii   Isaga  iyo  facii  noo  galeen  waayo  taladoodii  iyo  tusmadii  ay   geediga  fureen  ayaan  ku  dhalanay,  ku  bar-baarney,  ku  aflaxnay, Markaa  waa  waajib  in  kalmad  iyo  lababa  loo  idhaahdaa, Man  Laa  Yashkura  Naas  Laa  Yash  Kuru  Laah.

Qalinka:  Cabdiraxmaan Sayid  Faarax  (Jeesto)

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

SHARE
Article horeXukumadda Oo U Digtay Urur Ku Hawlan Qiimaynta Wasiiradda
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here