Sheekh-Jaabir Oo Ka Sheekeeyey Qiso Uu Kala Kulmay Deegaanka Geedka Dheenta Ee Duleedka Bari Ee Hargeysa Ku Yaalla

0
1

Hargeysa(Hubaal)-Sheekh Cabdiqaadir Carab Warsame,oo kamid ah Culimada Hargeysa,ayaa ka waramey in aan Bulshada Somaliland looga baahan yahey,in ay ahmiyad gaar ah siiyaan dhirta si ay uga qeyb qaadato Quruxda iyo munaafacaadka ay u leedahay dalka Somaliland. Qiso kasoo Martey Geedka-Dheenta ee kuyaala Tuulada u dhexeysa Aw-Barkhadle iyo Dhubato kadib markii uu uga baqooley Caasimada Hargeysa islamarkaana, uu xaqiijiyey in Geedkaasi Qalaley,maadaama sababta qalalkiisa ay lahaayeen. Sheekh Cabdiqaadir Carab Warsame (Sheekh-Jaabir),oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga waramey qisada uu ku soo qaatey Geedka-dheenta ee kuyaala Tuulada loo yaqaan Geedka dheenta ee kutaala Awbarkhadle iyo Dhubato dhexdooda,waxa uu Sheekh-jaabir sheegay in uu kala kulmey qisa ku beertay murugo    kadib markii uu isagoo safar ah sigaar ah ugu beydhay Geedkaasi magaca weyn ku leh dalka Somaliland islamarkaana, ku suntan Taariikhaha gaarka ah waxa uu xusey in uu dareen gaar ah qaatey markii uu xaqiijiyey in Geedkaasi Qalaley,Waxaanu tilmaan ka bixiyey asbaabaha ku keenay geedkaasi in uu noqdo mid gabi ahaanba qalalan maadaama sababta qalalkiisa ay lahaayeen dadkii ku shubey Saliida baabuurta laga badelo ee matoorka. Sheekh Jaabir oo ka hadlaya Dareenkiisa ku wajahan sida uu u dareemay daryeel la,aanta geedkaasi ka muuqata waxa uu yidhi. “Sideeddaba dhirtu waxey inakka mudan tahey in aynu xanaaneyno,daryeelno,ilaalino oo beerno si ay door weyn uga qaadato Quruxda Deegaanka,tayeynta carrada iyo waliba ka faa,ideynta Kheyraadka dabiiciga ah haddaba waxa Tusaale u noqon karra Bulshada qof kastoo wax garad ah ama Aqoon maadiya ha alahaado ama culuun diimeed ha lahaado,e si aynu uga faa,ideyno kheyraadka dabiiciga ah ee Dhulkeena, Waxaa Xusid muddan in aan Niyadda ku qabtey marar badana isweydiiyay Geedka-Dheenta annigoo Hargeysa jooga kadibna,waxaan ugu beydhay Geedkaas annigoo safar ah sitoos ah dareen gaar ah ayaa I taabtey kadib markii aan indhaha ku dhuftey ee aan hoos istaagey Geedkaas oo qalaley oo lagu shubey saliidda matooradda baabuurta laga badelo,taas oo aan ku xaqiiqsadey in dhimashada geedkan iyo quruxdii uu lahhaa ay sabab u noqotey markaas ayaan sawirkan ka qaadey,runtii qof kasta oo damqanayaa wuu dareemi karaa in ay muhiimad weyn laheyd in la ilaaliyo oo la daryeelo Geedkan magaca weyn iyo Taariikhdaba ku leh dalka Somaliland dadka intiisa badanina yaqaano”Ayuu yidhi Sheekh Jaabir. Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa,in uu ogeysiinayo kuna baraarujinayo Wasaaradda Deegaanka iyo Hurumarinta Reer Miyiga in ay fiiro gaar ah u yeeshaan Dhirta noocan oo kale ah iyo Xanaaneyntooda iyo waliba Wacyigalinta Bulshada eek u sahabsan in ay ka ilaaliyaan dhibaatada noocan ah ee Saliida lagu shubayo iyo wax kasta oo Dhibaato u keenaya. Gabagabadiina Sheekh Cabdiqaadir Carab Warsame oo ku magic dheer(Sheekh-jaabir) waxa uu soo dhaweeyay Maalinta uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u asteeyay Maalinta dhirta Somaliland ee ku beegan maalinta Isniinta beri ah isagoo sigaar ah ugu ha,balyeeyay kuna taageeray in ay talaabo fiican tahey.

Sheekh Jaabir oo kamid ah Culimada Hargeysa waxa uu inta badan ka hadlaa Arimaha Bulshada khusuusan Caafimaadka iyo Qeybihiisa kala duwan ha ubadnaadaan noocyadda Cudurada iyo sida looga gaashaaman karo ama la iskaga daaweeyo,ee la iskaga ilaaliyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here