“Shidaalkii Wasakhaysnaa Wuxuu Ku Jiraa Haamo Gaar Ah Oo Lama Isticmaali Karo, Shidaal Cusub Oo Yimidna “

0
1

  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad

 

Hrgeysa (Hubaal) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamed Xasan Sacad ayaa sheegay in shiidaalkii Wasakhaysnaa ee hore dalka loo soo geliyay uu wali ku jiro haamihii lagu shubay, hasayeeshee shiidaalka cusub ee Dalka La Keenay isna lagu dhaamiyay haamo kale. Waxa uu faahfaahin ka bixiyay sababta Somaliland ay shiidaal uga baahatay wadanka Djabouti, waxaana uu xusay in markii dalka la Keenay shiidaal Wasakhaysan ay qasab noqotay in dalka Djabouti loo doono shiidaal, waxaanu sidaasi ku sheegay wasiirku mar uu warbixin siinayay Golaha Guurtida. “Shidaalkii Hore ee Wasakhaysnaa wuxuu ku jiraa Haamo gaar ah, kan cusub ee dalka yimidna waxa lagu shubay haamo kale, shiidaalkaas horena ilaa maalintii ayuu xaniban yahay oo lama isticmaali karo, waana taas sababta aynu intii oo dhan u isticmaalaynay shiidaalkii laga keenay Djabouti”

SHARE
Article horeMadaxweynaha Somaliland Oo Kafaalo Qaaday Nolosha Wiilkii Qoyskiisa Ku waayey Duufaantii Somaliland Ku Dhufatay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here