Shir-dhaqameed Burco Uga Furmay Beel Ka Mida Beelaha Dega Gobollada Togdheer, Saaxil Iyo Saraar

0
1

Burco (Hubaal) Shir-dhaqameedkii toddobaad ee beesha gaashaanbuur Axmed Faarax qabsatay ayaa shalay ka furmay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shirkaasi ayaa lagu tilmaamay in uu yahay mid  dhaqameed, isla markaana ay beeshu aayaheedda kaga tashanayso. Kuna muujinayso siday xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ugu bar-bar taagan yihiin tallaabooyin wax qabadka horumarineed ee ay dalka ka fulinayso. Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Jaamac  Xaaji Axmed, gudoomiyaha guddida  Qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, maareeye ku xigeenka hay’ada wadooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab. Suldaanka  guud ee  beelaha Gaashaanbuur  suldaan Maxamuud  Guuleed  Mire, oo  shirkaasi furay ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid dhaqan, isla markaana ay beeshu aayaheedda kaga tashanayso. Waxaanu  yidhi “Waxaynu isugu nimid  shirkeenii aynu qabsan jirnay ee tolnimo ee dhaqanka ahaa,  ee aynu kaga hadli jirnay Aayaheena.  Waxaynu ILLAAHAY SWT  waydiisanaynaa  inuu shirkeena  waafajiyo sida uu ka raaliyahay  ee maslaxada dalku ku jirto, ee ragga talinaya ILLAAHAY taladda toosan ku duwo”. Gudoomiyaha guud ee guddida beelaha shirka qabsaday   Sheekh  Aadan Cabdi Ismaaciil, oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa ka waramay ujeedada shirka iyo waxqabadkii ay deegaanada beeshu degto ka qabteen.

Isagoo na gudoomiyuhu si weyn ugu mahad naqay xukuumada  Somaliland  ee talladda haysa oo uu sheegay in  horumar la taabankaro ka fulisay deegaanada gobolka Togdheer. Xildhibaan  Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco oo isna shirkan hadal ka jeediyay ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid dhaqan oo beeshu aayaheedda kaga tashanayso, isla markaana beesha gaashaan buur ay  xukuumadda talladda haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ku amaanayaan waxqabadka kala duwan ee ay ka fulisay gobolka Togdheer.

Badhasaabka gobolka Maroodi jeex Jaamac Xaaji Axmed  Roobe, gudoomiyaha  gudiga  Qandaraasyada qaranka Nuux Maxamed Xuseen iyo maareeye ku xigeenka  hay’ada wadooyinka Somaliland Mustafe Qalab, ayaa iyag na soo dhaweeyay furitaanka shirka. Waxaanay   masuulyiintu xuseen  inay dawladu dhiirigelinayso shirarka lagaga tashanayo horumarka deegaanka iyo midnimada Somaliland.

Sidoo kale xildhibaan Siciid Axmed Raage, Cuqaal, waxgarad,  Siyaasiyiin iyo aqoonyahan iyag na halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ba  si weyn u soo dhaweeyay furitaanka shirkani dhaqan ee beelaha dega degmooyinka Qoryaale, Nasiye, Gebo-gebo iyo Burco ay ku qabsadeen  magaalada Burco.

Shirkani oo socon doona muddo laba maalmood ahna mid horumarineed  ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan bixi doonaan waxyaabo  taageerro u ah xukuumadda, isla markaana ay beeshu xukuumadda ku garab taagan tahay  barnaamijyadda waxqabad ee dalka ka waddo.

SHARE
Article horeXalku Waa In Aanney Doorashooyinku Dib U Dhicin
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here