HUBAALMEDIA.COM
Shir-guddoonka Guurtida Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Mooshin La Horgeeyey Golaha Baarlamaanka Somaliya
April 9, 2017 - Written by Mustafe Faro

Ku-simaha guddoomiyaha Guurtida oo Xukuumadda Xamar Ku Eedeeyey Inay Mooshinkaas Dabada Ka Riixayso

Guurtidda

Hargeysa:(Hubaal)-Shir gudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay markii u horreysay ka hadlay mooshin la hor keenay golaha Baarlamaanka Somaliya oo lagaga hadlayo heshiiska saldhiga Milateri ee magaalada Berbera laga siiyey dawlada Imaaraadka Carabta.

 Shir-gudoonku waxa ay sheegeen in aanay Somaliya ka hadli karin hawlaha u gaarka ah Somaliland iyaga oo sheegay in Somaliland iyo Somaliya ay yihiin laba dal oo jaar ah oo kala madaxbanaan isla markaana waxa ay xuseen in dal aanu dal kale hawlahiisa ka hadli Karin.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha Guurtida Somaliland ahna ku simaha gudoomiyaha golaha Guurtida Siciid Jaamac oo isagu arrinka ka hadlay ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Mooshinkaa ay Xildhibaanada Xamar ku burinayaan heshiiskii Saldhiga,heshiiskaa dee Xamar kamaynaan galin,heshiiskaa waxa weeye Somaliland ayaa gashay ,dee Somaliland iyo Somaliyana waa Laba dal oo kala gaar ah markaa dee dalna dal kale arrimahiisa iyo maslaxadiisa kama hadli karo hawl u taalana maaha”

Gudoomiye Siciid Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray in Mooshinkan ay dabada ka riixayaan xukuumadda Xamar waxaana uu yidhi, “Dawladooda Xamar uunbaa ka danbaysa laakiin waxaan u aragnaa inuu yahay wax aanay shaqo ku lahayn oo aan khuseyn inay ka shaqaynayaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Saciid Jaamac.

Gabagabadiina hadalkan  kasoo yeedhay Gudoomiye ku xigeenka golaha Guurtida Somaliland ayaa  kusoo beegmaya xilli dhawaan golaha Baarlamaanka Somaliya la hor keenay mooshin la doonayo in lagu laalo heshiiskii Saldhiga Milateri ee ay kala saxeexdeen dawlada Somaliland iyo dawlada Imaaraadka Carabta.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews