Shir-guddoonka Wakiillada oo DAHABSHIIL Ka Xaal-mariyey Warbixin Shaki Gelisay Sharciyaddii Uu Ku Iibsaday Qaybo Ka Mid Ah Dhulka Line-ka Booliska

0
1

“Waxaanu Doonaynaa Inaanu Saxno In DAHABSHIIL Uu Arrinkiisii Sifo Sharci Ah Ku Dhammaaday”

Hargeysa (Hubaal) – Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa raali-gelin siiyey Shirkadda Dahabshiil oo eeddeyn loogu jeediyey warbixin ay todobaadkii hore soo saareen Guddida Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golahaasi. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo shalay barqadii Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, ayaa sheegay in Shirkadda Dahabshiil sifo-sharci ah ku iibsatay Dhulka Line-ka Booliska Hargeysa, bixisayna Lacagtii Dhulkaa laga siiyey iyo Kharashaad kale oo ay ugu talo-gashay in la siiyo dad halkaa degenaa. Waxa uu intaa ka daray inay shir-guddoon ahaan iyo Guddida warbixinta soo saartayba dib u eegis ku sameeyeen cabasho Shirkaddu soo gaadhsiisay oo ay kaga dacwoonayso qaabka lagu sifeeyey Iibsiga dhulkaa, kaddibna ay garowsadeen inay Shirkaddu dariiq sharci ku hantiday Dhulkaa.

Guddoomiye Baashe Maxamed Cadde oo arrimahaas faahfaahinayaa waxa uu yidhi “ Waxaanu idiinku yeedhnay [saxaafadda] shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil cabasho ayay noo soo gudbiyeen ku saabsanayd arrin maalmahan saxaafadda ku jirtay taasoo ah [bogcadda ay ku yaallaan guryaha] Line-ka booliiska ee laga iibiyey shirkadda Dahabshiil, markii cabashadaas naloo soo gudbiyeyna waxaanu u yeedhnay [guddida warbixinta soo saartay] wixii waraaqo iyo dhukumentiyo ahaa Dahabshiil wuu noo keenay, annaga iyo guddiduna waanu isla eegnay waxaana cadaatay in si sharci ah looga iibiyey shirkadda Dahabshiil dhulka Line-ka booliiska, kaasoo laga siiyey qiime dhan $927 kun.” Sidaas ayuu guddoomiyaha golaha wakiilladu yidhi, waxanu intaa ku daray “waxa kale oo ay noo keeneen inay shirkada dhismaha ee Barako ay dhismaha jeelka burco la yidhi waxaad siisaan $577 kun, halka $350 kunna la yidhi in dadkii degenaa lineka booliiska in lagaga raro. Markii aanu dhukumentiyadii eegnayna, waxa noo soo baxday in Dahabshiil uu qolada dhisaysay jeelka Burco ee BARAKO ay ku wareejiyeen lacagtii la siinayay oo dhammayd $577 kun, warqadihii cadaynayay iyo rasiidhadiina way keeneen. Waxay kale oo keeneen inay $350 kun oo lagu yidhi halagu rarana dadkii qaatay iyo saxeexyadoodii ku yaalaan, intaasaanu idiinku yeedhnay [qolada warbaahinta], walibana iyaga [Dahabshiil] ayaa sheeganaya  lacag dheeraad ahi inay ka raacday, markaa waxaanu doonaynaa inaanu saxno. Markaa waxaanu doonaynaa inaanu saxno arrintaas oo aanu shirguddoonka golaha iyo guddidii warbixinta soo saartayba aanu isla eegnay, Dahabshiilna uu arrinkiisii sifo sharci ah ku dhammaaday. Shirkadda dhismaha ee Barakona cabashadeedii halkaas bay ku dhammaatay”. Ayuu hadalkiisa ku soo gebogabeeyey guddoomiyaha golaha wakiillada JSL Md. Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta shalay kulan saxaafadeed ugu qabtay xafiiskiisa isaga oo ay hareero fadhiyeen guddoomiye ku xigeenkiisa 2aad ee golaha iyo xubno kale.

Shirkadda Dahabshiil ayaa Dhul kamida Line-ka Booliska iyo dhismihii hore ee laanta nabad-gelyada waddooyinka waxay ka dhistay Suuq-ganacsi oo balaadhan, kaasoo uu qayb kamida degen yahay Baanka Caalamiga ah ee Dahabshiil Bank.

SHARE
Article horeXukuumadda Oo Shaacisay Qabanqaabada Shirweyne La Isugu Keenayo Qurba-jooga Dalka ku Sugan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here