Shirkad Shaacisay Inay Hudheel Casri Ah Ka Binaynayso Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Berbera

0
1

Shirkadda Sarovar Hotels oo Hudheel Casri ah ka Dhisaysa Berbera

Berbera(Hubaal)- Shirkadda leh Huteelo caalamka ku yaalla  oo la yidhaahdo  Sarovar Hotels,  ayaa sheegtay inay  Hudheel weyn oo casri ah ka dhisayso magaalo-xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Siday Werisay Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo soo xigatay qoraal shalay ka soo baxay shirkadda Sarovar Hotels oo xaqiijisay  maadaama oo dhaqaalaha Somaliland uu korayo isla markaana la ballaadhinayo  marsadda Berbera ay ka  binaynayaan  dekedda dhinaceeda Hudheel weyn oo ka koobnaan doona 123 makhsin oo iskugu jira  qolalkii  jiifka, kuwa shirarka, hudheel cunto iyo barkaddii dabaasha.

Waxa kaloo shirkaddu  intaas ku dartay in Hudheelkan cusubi ee laga dhisayo Berbera uu dhammaystirmi doono sannadka 2020ka, waxaana leh shirkad la yidhaahdo  Upper Hill Hotel. Agaasimaha  Maamulka  ee shirkadda  Sarovar Hotels  Mr. Ajaay   Bakaaya, ayaa caddeeyey inay soo badanayaan  fursadaha ka jira qaaradda Afrika, waxaanu xusay inay ku faraxsan yihiin inay hudheel  ballaadhan oo anfici doona dadka socotada ah ay ku soo kordhinayaan magaalada Berbera.

SHARE
Article horeDowladda Federaalka Soomaaliya Oo Hay`Addaha Caalamiga Ah Ee Dalka Ka howl-gala U Qabatay Inay 90 Cisho Ku Soo Guuraan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here