Shirkadda Coco Cola Oo Shan Milyan Oo Doolar Wax Kaga Qabanaysa Biyaha Hargaysa

0
1

Hargeysa (Hubaal) Munaasabad maanta lagu qabtay xaafadda Masallaha ee Koonfurta magaalada Hargaysa ayaa waxa lagu daahfuray oo lagaga dhawaaqay qayb kamid ah mashruuca biyo ballaadhinta magaalada Hargaysa, gaar ahaanna qasabadaha sidii loo gaadhsiin lahaa xaafadaha magaalada, gaar ahaanna kuwa koonfurta iyo qaybo kamid ah Waqooyi galbeed. Waxaana mashruucaas oo ay ku baxayso shan milyan oo dollar maalgaliyey sharikadda Coca-Cola foundation ee SBI.

Ugu horrayna waxaa munaasabadda ka hadlay oo u mahadceliyay sharikaddaas madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuuna yidhi: “Waxaan u mahadnaqaynaa sharikadda Coco cola foundation in ay nagala qayb galaan sidii biyo loogu heli lahaa caasimadda Hargaysa, sharikaddan muddo kooban ayay ka shaqaynaysay dalkeena waxaan isleeyahay inta ay maanta ina galisay wali ugama soo bixin Somaliland”

Mashuucaan oo la sheegay in marka uu dhammaado uu biyo siin doono dad ka badan laba boqol oo kun oo qof oo kunool magaalada Hargaysa ayaa waxaa faahfaahin ka bixiyey Axmed Cismaan Geelle maamulaha guud ee sharikadda Coco cola ee Hargaysa oo ayagu deeqdan bixiyey wuxuuna yidhi ” Waxaa imika innoo bilowday mashruucan Hargaysa waxaana ku baxday Shan Milyan oo dollar laba iyo labaatan kun oo qoys ayaa ka cabbi doona.”

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne fara badan oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshada ee kala duwan waxayna soo dhaweeyeen mushruucan oo ay ku tilmaameen mid faa’iido wayn u leh bulshada ku nool magaalada Hargaysa.

SHARE
Article horeItoobiya Oo Berri Yeelanaysa Madaxweyne Cusub
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here